WAJAALE NEWS

Shirkii Addis ababa oo Soo Gaba Gaboobay iyo Dowladda Federaalka iyo Jubbaland oo heshiis gaaray

Addis Ababa (Wajaale News)- Waxaa xalay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya lagu soo gabagabeeyay shir maalmihii ugu dambeeyay uga socday wakiillo ka kala tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

 


Shirka oo ahaa mid looga wada hadlayay sidii aragti mideysan looga qaadan lahaa maamulidda gobllada Jubbooyinka ayaa ergada labada dhinac kulan muddo qaatay kaddib waxa ay isla meel dhigeen qodobbadii kulanka lagu soo bandhigay.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in wada hadallada oo socday muddo kaddib ay ku soo dhammaadeen is afgarad.
Arrintan ayaa u muuqanaysa in ay meesha ka saaraysa kala aragti duwanaanshihii maamul rasmi ah oo ay yeeshaan gobollada Jubbooyinka.
Shirka ayaa waxaa si weyn u taageersanaa waddamada jaarka la ah Soomaaliya gaar ahaan Kenya iyo Itoobiya.

Wajaale News

Office : Hargeisa/Somalialnd

Email: wajalenews@gmail.com

Exit mobile version