WAJAALE NEWS

Saraakiil Maleeshiyaadka Buuhoodle ka mid ahaa iyo wax-garad Wasiir Xaglo-toosiye ku Eedeeyay inuu cidla ku tuuray Qorshe Nabadeed oo ay ku Ayideen Gogoshii Madaxweynaha

“Madaxweynuhu Daacadbuu ka yahay Gogosha nabadda ee Buuhoodle ee waxaan ugu baaqaynaa inuu qaabilo dadka ay ka go’do”Gudd. Jaaliyada Somaliland ee California
Hargeysa(WJN)-Saraakiil dhawaan ka soo baxay maleeshiyaadka reer Buuhoodle ee ay Ciidamada Qaranka Somaliland jiidaasi ku dagaalameen iyo xubno ka mid ah waxgaradka iyo Odayaasha Gobolkaasi ayaa dawlada ka dalbaday in la dhamaystiro qorshihii qaramaynta Maleeshiyaadka Gobolka iyo nabadeynta xiisadihii ka dhacay Deegaamadaasi sanadadii la soo dhaafay.

Sidoo kale Saraakiisha iyo wax-garadka Reer Buuhoodle waxay madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo xukuumaddiisa u soo jeediyeen inaan arimaha buuhoodle iyo horumarinta qorshaha nabada ee lagu dhamaystirayo Gogoshii nabadeed ee uu Madaxweynuhu u fidiyay Bulshada Goboladda Bariga, dhanka deegaamadooda aan laga dhigin arin loo daba fadhiisto qof qudha oo siyaasi ah, balse laga balaadhiyo si qaybaha Bulshadu ugu wada qanacdo natiijada la gaadho.

Xubnahan ayaa farta ku fiiqay inay xukuumaddu hawlihii Gobolka ay ugu talo-gashay u xilsaartay Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye, kaasoo ay saraakiisha dhawaan soo galay ku eedeeyeen inuu ku dayacay magaalada Hargeysa, oo ay ku yimaadeen ayidaadii nabadda, isla markaana waxba ka qaban waayay hawlaha Gobolka ee masuuliyadooda lagu wareejiyay, oo ay ka mid tahay qaramaynta Maleeshiyaadkii Deegaanka oo ay hormuud u ahaayeen iyo fulinta qorsheyaasha kale ee nabada lagu unkayo.

Saraakiisha ayaa sheegay in Wasiir Xaglo-toosiye tan iyo markii Magaalada Hargeysa ay yimaadeen, aanu qaadin wax talaabo ah oo uu ku suurto gelinayo ujeedadii ay uga yimaadeen Buuhoodle , isla markaana Hudheeladii ay Dawladu dejisay iyo kuwii Cuntada loogu qorayba laga jaray mudo saddex bilood ah gudahood, iyagoo aan wax jawaab ah ka helin dawlada , taasoo ay sababteedana dusha ka saareen Wasiirka Caafimaadka.

Geesta kale Guddoomiyaha Jaaliyada reer Somaliland ee Gobolka California ee Waddanka Maraykanka Axmed Jaamac Hangool oo ka mid ahaa Xubno waxgarad ah oo Gobolka Buuhoodle ka soo jeeda, isla markaana ku sugan Hargeysa, oo shalay u waramay Warbaahinta ayaa si cad madaxweynaha iyo Golihiisa wasiiradda uga dalbaday in Bulshada Gobolka oo isku dhan loo furo albaab nabadeed iyo wada-hadal lagu xaliyo wixii ka dhacay deegaamada Gobolka, hase ahaatee aan Wasiir xukuumadda ku jira lagu koobin gelin talada deegaankooda.

Maxamed Saleban Magan oo ah sarkaalkii hogaaminayay shan Nin oo Saraakiil iyo Askar isugu jiray oo dhawaan soo gaadhay Hargeysa, ayaa sheegay in qorshihii ay ku yimaadeen ay hormood ka ahaayeen Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xaglo-toosiye “waxaanu deegaankii ka nimi bishii 3-aad 2-dii, waxaanan bishii oo dhan ka wada hadlaynay sidii ciidankii deegaankana loo qaramayn lahaa nabadeyntiina loo geli lahaa, waayo Ciidanku wuxuu kow ka yahay qorsha nabada.

“Hawshaa intii aanu joognay Buuhoodle cidii aanu ka wada hadalnay waxay ahayd wasiirka Caafimaadka iyo Wasiirka Madaxtooyada, waanan isku af-garanay, wasiirka Madaxtooyadana waxaanu si gaar ah uga wada hadalnay oo aanu ka balanay in mudo 7 ah hawshaa naluugu soo dhameynayo, waanu nimi runtiina si wacanbaa naloo soo dhaweeyay, waa nala dejiyay dibna cidi nooguma soo noqon, laba bilood markii aanu hudheelkii ku jirnayna waxa noo xigtay in la yidhi hudheelkii ka baxa, ilaa hadana waxa noo socota bishii Afaraad”ayuu yidhi Gaashaanle dhexe Maxamed Saleban Magan oo Dawan la hadlay.

Waxaanu intaasi ku daray “amarka Hudheelka nalagaga saaray waxa soo bixiyay Wasiirka Caafimaadka, kolayna wasiirka isagaa loo xilsaaray hawsha buuhoodle, isagaana looga dambeynayay oo gacanta markii hore nagu hayay, markii aanu muddo war-wareegnay ee cidba nala hadli waydayna waxaanu isweydiinay hawsha malaha waa laysku raacsanyahay, laakiinse isagaa hawshayada si gaar ah ugu xilsaarnaa”ayuu yidhi.

Farxaan Maxamuud Jaamac Baydan oo isna ka mid ahaa Askartan Reer Buuhoodle ayaa sheegay inay Hargeysa u yimaadeen sidii ay u xoojin lahaayeen dedaalka nabadeed ee ay Xukuumaddu wadday “annagu waxaanu xambaarsanayn deegaan dhan ciidankiisii, waxaana naga soo horeeyay cuqaal iyo dad wax-garad ah oo aanu ku soo xoojinay sidii nabad loo abuuri lahaa, markaa qorshihii aanu ku nimi wuxuu iska bedelay wasiirka Caafimaadka ee loo xilsaaray hawsha Gobolka oo waxba ka qaban waayay hawshii loo xilsaaray”.

Farxaan ayaa hadalkiisa isagoo sii wata sheegay ”Hore waxaanu uga mid ahayn Ciidankii Qaranka ee Buuhoodle intii aanay shaqaaqadu dhicin, waxaana naloogu yeedhay inaanu nabadeynta iyo hawsha Odayaashu u yimaadeen aanu ka qayb-qaadano, laakiinse tii may dhicin Odayaashii aanu u nimi iyo annaguba wixii aanu u soconay waxba lagama qaban, sababna waxa u ah wasiir Xaglo-toosiye, iminkana waxaanu doonaynaa inaanu iska noqono oo aanu deegaankii ku noqono, maadaama hawshayadii sidaa noqotay”.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale ku dooday inay dib ugu laabanayaan Deegaankii ay ka yimaadeen,dhinaca kalena tilmaamay in gogoshii nabadeed ee Madaxweynaha meel dhexe laga duwayo “waxaan naloogu yeedhay in nala qarameeyo oo ciidankii deegaanka naloo qarameeyo, laakiinse may dhicin, dadkii deegaankana waanu u sheegaynaa, maadaama dawladu wixii aanu u nimi waxba ka qaban wayday, cuqaashii aanu wada soconayna waanu ka wada hadalnay” – “waxaanse ku darayaa Nin Faarax galoolay la odhan jiray ayaa laga hayay Hadalkaagu markuu afka ka soo baxo ragbaa Liin la daba taagan, markaa Madaxweynaha gogoshiisii nabadeed waxa liin la dabo-taagan rag aan doonayn nabada, Xaglo-toosiyena hadii uu markii hore ahaa Hogaamiye Qab-qable ah laba sanadood ayuu halkan joogaa wixii laga sugayayna waxba kamuu qaban”.

Axmed Cabdilaahi Hangool oo ka mid ah Waxgaradka Reer Buuhoodle ee iyaguna arintan ka hadlay, ahna nin qurbo-joog ah oo sida uu sheegay waddanka u yimi sidii uu uga qayb-qaadan lahaa Nabadeynta gobolkaasi ayaa “ annigu waxaan ka imi waddanka dibadiisa, waxaanan ka mid ahaa dadkii dibadah a joogay ee nabadeyntan ka shaqaynayay, markii aan imi halkan waxaan ogaaday in nabadii Gobolka Buuhoodle Hargeysa ka dabrantahay, waxa kale oo aan ogahay in madaxweynuhu daacad ka yahay Gogosha nabadeed ee uu fidiyay laakiinse Dabar ka horyimi jiro, oo aan loo marin dariiqii loo baahnaa, waayo Buuhoodle mashaqooyin waaweynbaa ka dhacay, dhiigbaa ku daatay, shaqaaqooyin kalaa ka dhacay, markaa waxaan qabaa wixii ka dhacay inaan qof ka arimin Karin, ee loo baahanyahay in Madaxweynuhu dadkii dhaqank ahaa ee Gobolka qaabilo oo, Gogoshiisu yeelato goormay dhacaysaa, halkee lagu kulmayaa iyo sidee loo waajahayaa, laakiinse annigu ma qabo in Xaglo-toosiye dhayi karo wixii Buuhoodle ka dhacay”.

Axmed ayaa intaasi ku daray “ Madaxweynaha waxaan ugu baaqayaa anigoo ku kalsoon inuu daacad ka yahay nabadeynta inaanu Wasiirkiisa Caafimaadka u xidhin hawsha nabadda,dadka deegaanku waa u diyaar inay ka qayb-qataan, ee waa in loo maro hab wanaagsan, Xaglo-toosiye markuu halka yimi wixii laga filayay muu qaban, waanu is-jaqay, markaa waxaan ku talinayaa hawsha nabadeynta halaga qayb-geliyo dadka Deegaanka ee Ciidankan cabanayaa ka mid yihiin ee madaxda dhaqanku ka midka tahay,taasaa horumar lagu gaadhayaa,laakiinse wax qof lagu koobay ma keenayo xal”ayuu yidhi.

Ugu dambeyn xubnaha u hadlay Bulshada Gobolka Buuhoodle ee xurguftu dhex martay Dawlada sanadihii la soo dhaafay, waxay qoreen inay jireen khaladdaad siyaasadeed oo iyagu dhexdoodu ku galeen, balse waxay hadalkooda ku soo uruuriyeen iyagoo madaxweynaha iyo xukuumadda la hadlay Caano –daadtay dabadood la qabay, iyagoo ku cel-celiyay inay diyaar u yihiin dhankooda in la soo afjaro wixii hore u dhacay.

 

 

WAJAALE NEWS DESK

 

HARGEISA OFFICE

 

Contact Us: wajalenews@gmail.com

Exit mobile version