WAJAALE NEWS

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac Oo Markii Ugu Horaysay Ka Hadlay Halka Ay Ku Danbeeyeen Wada Hadaladii Xaqsoor Iyo Xukuumada, Golaha Madaxa Banaan Ee Wada Tashiga, Darajooyinka Ciidamada Somaliland, Sheegayna Inaan Wada Hadal Dhex Marin Gudoomiyaha Ucid.

wax badan ayey Xaqsoor ku guulaysatay wax badana way ku soo kordhisay siyaasada geeska Afrika oo barnaamijkii uu soo bandhigay Ururka Xaqsoor waxa laga soo taageerayey gobolada dalka,mandaqada geeska Afrika iyo wadamada debadaba,geeska Afrikaba.ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Hargeysa(WJN):-Mujaahid Xasan Ciise Jaamac ayaa markii ugu horaysay ka hadlay  sababaha loo sameeyey golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu kale oo uu ka hadlay halka ay marayaan wada hadaladii u dhaxeeyey urur siyaasadeedkii Xaqsoor iyo xukuumada, isaga oo sheegay  in wada hadaladaasi ay wali ku jiraan wajigii hore balse ay dhinacooda diyaar  u yihiin in la dhamays tiro.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo manta u waramay qaar ka mid ah warbaahinta waxa kale oo uu ka hadlay wada hadalada u dhaxeeya xukuumada iyo golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka.

Ugu horayn Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu ka hadlayaa arimihii uu ururka Xaqsoor u samaysmay iyo halka ay  ku danbeeyeen wada
hadaladii ay la lahaayeen xukuumada waxaau yidhi  ?horta ururka Xaqsoor  wuxuu u samaysmay markiisa horeba  inuu wadankan wax ka dhigo oo uu wanaag soo kordhiyo, talo iyo tusaale u noqdo shacabka somaliland, wax badan ayey Xaqsoor  ku guulaysatay wax badana way ku soo kordhisay siyaasada geeska Afrika oo barnaamijkii uu soo bandhigay Ururka Xaqsoor waxa laga soo taageerayey gobolada dalka,mandaqada geeska Afrika iyo wadamada debadaba, waxaanay ahayd talaabo lagu hananayo midnimada dadka reer somaliland iyo geeska Afrikaba.?ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac

Sidoo kale Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu ka hadlay wada hadaladii u dhaxeeyey ururka Xaqsoor iyo xukuumada waxaanu yidhi Dhinaca wada hadalada hadii aan ka hadlo way bilaabmeen heerna way soo gaadheen, heerkaasina waxa uu noqday mid ay wax badani ka dhiman yihiin oo wax badani u  hadhsan yihiin, heerkii hore markii uu dhamaadayna waanigii labada bayaan soo saaray oo Xaqsoor ahaan aanu kaga hadlayno aragtidayada, waxaanu ku sheegnay in albaabka Xaqsoor u furan yahay wada hadalkaas iyo cid kasta oo wada hadal danaynaysa sida xisbiyada qaranka iyo cid kasta oo talo haysa, anaga oo diyaar u ah inaanu danta umada cid kasta kala xaajoono iyada oo aanu albaabkayagu cidna ka xidhnayn, wada hadaladu wali qabyo ayey yihiin anagu dhinacayaga waxanu diyaar u nahay in wax dadka ku aamini karaan oo ay ku diirsadaan ka soo baxo.Ayuu yidhi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa kale oo uu ka hadlay golaha madaxa banaan ee ay ku dhawaaqeen siyaasiyiinta magaca ku leh saaxada siyaasada Somaliland, isaga oo sheegay inaanu golahaasi ahayn mid wax duminaya balse uu yahay gole u danaynaya qaranka waxaanu yidhi ?horta  kalmada Gole  waxa weeyaan mid afsoomaali ah oo aan cidina ku dhaganayn markii eraygaasi soo baxayna mid distoori ah muu ahayn, mana aha mid loo isticmaalayo si distoori ah cidina ma sheegan karto gole dastuuri ah oo aan ahayn golayaasha qaranka , cida sheegataana waa mid xumaan u badheedhay, ama cid aan garashadeeda lahayn, odoyaashan golaha lagu tilmaamayna mar kaliya may sheegan gole dastuuri ah, kalmadana  afsoomaali ahaan  ayey u isticmaalayeen,shaqada  uu distoorku cid cayiman siiyey cid isku xilsaartay may ahayn ama la tartamaysa ama doonaysa inay distoorka buriso, waxay  ahaayeen koox reer Somaliland ah oo dadka iyo dalkaba wanaag la jecel oo la yaqaano oo taariikh leh dadkuna ka war hayaan, aanay ku jirin cid looga baqo Somaliland, waana dad aanay cidna uga lexejeclo badnayn midnimada iyo wada jirka umada Somaliland, waxay ahaayeen  niman hore isku arki jiray imikana isku tagay si ay talo ugu biiriyaan qolada talada wadanka haysa, mana aha urur siyaasiya oo samaysmay, maan aha xisbi cusub oo samaysmay, waa kulan aan distoor ahayn oo caadi ah kaas oo la mid ah kulamada maalin kasta ka dhaca gobolada Somaliland ee talada laysku wardaarsanayo, inay cidina ka sasto may ahayn inay cidina sharaysato may ahayn, waxay ahayd cidii caafimaad qabta ee wadanka wanaag la rabtaa inay soo dhawayso, nasiib daro sidaa lagama helin meelaha qaarkood oo xajiimayn iyo canbaarayn aan meesha qaban ayaa soo galay.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixinaya sida uu ku yimid golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka, waxaanu sheegay inay golahan ku jiraan siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada Kulmiye,Ucid, Waddani iyo urur siyaasadeedka Xaqsoor waxaanu yidhi ?Arinta golaha waxa soo jeediyey Faysal Cali Waraabe anaga oo Xaqsoor ahina waanu ku taageernay inta aanu ka tashanay, waxa weeyaan taladu waxay ahayd in talo qaran layskugu yimaado oo wanaaga wadanka laga hadlo, waxa jooga oo kulamada golaha ka qayb gala niman kulmiye ah oo qaarkood warbaahinta ka hadlayeen, waxa kale oo ka qayb gala niman Ucid ah iyo niman Waddani Ah oo madaxda sare ah,Xaqsoorna niman dhawra ayaa ka qayb gala,waana arin aanu hore u taageernay  iyada oo wakhtigii doorashooyinka laga soo gudbay ee arimihii doorashooyinka ee foosha xumaa lagaga tashanayey,.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay dhex dhexaadinta ay salaadiinta Somaliland ka dhex bilaabeen golahan iyo xukuumada waxaannu yidhi salaadiintuna way saxsanaayeen markii ay arkeen dhinaca xukuumada qaar badan oo ka mid ah inay ka dideen arintii golaha, inay soo dhex galaan oo arinta ay gacanta ku dhigaan  si aanu wadanka khal khal uga dhicin oo wanaag ka taliyaan waanan ku hanbalyeynayaa , arintan danbe ee mad madaw soo galayna wax weyn maahee waa wax yar oo la dhameeyey sida aan ka war hayo oo sidii salaadiintii ay madaxweynaha u shaaciyeen markii ay madaxweynaha arkeen  ee ay yidhaahdeen waxaanu soo aragnay niman gole lagu tilmaamay balse wax xumaana aan wadan, markaa taas ayeynu ku soconaynaa.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu sheegay in ujeedada ugu weyn ee loo sameeyey golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka ay tahay in dalka laga yeesho talo midaysan1.

Ugu danbayntiina Mujaahid Xasan Ciise  waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo  darajooyinka lagu  taxay ciidamada Somaliland, isaga oo tilmaamay in darajooyinka lagala raagay ciidamada.

 

 

WAJAALENEWS OFFICE

Contact Us : Wajalenews@gmail.com

Exit mobile version