WAJAALE NEWS

Madaxweyne Siilaanyo Ayaa Saalada Ciida Kala Qayb Galay Dadweynaha Xaafada Xawaadle.

Hargeisa-(Wajaale News)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa salaadii Ciida kala Qayb galay dadweynaha degmada 26 Juun gaar ahaan Garoonka Kubbada Cagta ee Xawaadle.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa goobta Salaada lagu tukanayay ee Garoonka Xawaadle ku soo dhaweyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) waxaanu madaxweynaha xasuusiyay in degmada xaafada Xawaadle ay ka mid ahayd Degmooyinkii sida weyn ugu Codeeyay madaxweynaha isagoo arinkaasi ka hadlaya sheekhu wuxuu yidhi “Waxa maanta inala Jooga Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland runtiina waxaan madaxweynaha leenahay madaxweyne meelahani waa meelihii sida weyn lagaga codeeyay ee runtii mudan in la tilmaamo.

Sheekh Siiro wuxuu tilmaamay in sababta loo sameeyay Xisbiyada Qaranka in ay tahay in bulshadu ku kala badbaado oo lagu kala nabadgalo, cidii doonaysa in siyaasada ay soo gasho waa in Xisbiyadaas uu soo galo.

Aadan Siiro ayaa sheegay in loo baahan yahay shaqo abuuris loo sameeyo dhalinyarada , waxaanu tilmaamay in dhul qani ah aynu leenahay.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa hambalyo u diray guud ahaan bulshada Muslimka ah gaar ahaan shacbiga Somaliland, waxaanu sheegay in dhul balaadhan aynu haysano loona baahan yahay in laga faa’iidaysto.

 

 

Wajaale News Office Hargaisa /Somaliland

Wariye :C/QAADIR C/RAXMAN HABANE

Exit mobile version