WAJAALE NEWS

Imaamka Xaramka Sheikh Sudaysi Oo Ururka Ikhwaanul Muslimiin Ee Masar Ku Tilmaamay Kuwo Khilaafay Shareecada Islaamka Oo Argagixiso Ah (Video)

Sheikh Sudaysi oo ka hadlaya ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaas ayaa sheegay in ay baal mareen shareecada Islaamka, kuna baaqeen burbur iyo dagaal, sababay in dhiiga shacabku ku daato, taas oo ah fidmo iyo wax aanay shareecadu ogolayn cid kasta oo ku kacdana ay noqonayso cid baal martay

 

Maka Al Mukarama, (WJN/Agencies):- Imaamka Masaajidka Barakaysan Ee Xaramka Makka Al Mukarama Sheikh Cabdiraxmaan Al Sudaysi ayaa khudbad dheer kaga hadlay xaalada dalka Masar iyo Ururka Ikhwaanul Muslimiin, ee kacdoonada ay xukunka ku soo ceshanayaan ka wada dalkaas.

Imaamka Xaramka Maka Sheekh Sudaysi ayaa xaalada ka taagan dalka Masar ku tilmaamay, mid fidmo ah oo dalkaas burburkiisa lagu doonayo, isaga oo xusay in kacdoonada iyo amar diidka lagu hayo maamulka dalkaasi yahay mid haybadii iyo quwadii luminaya, una adeegaya baaba?a Masar.

Sheikh Sudaysi oo ka hadlaya ururka Ikhwaanul Muslimiin ee dalkaas ayaa sheegay in ay baal mareen shareecada Islaamka, kuna baaqeen burbur iyo dagaal, sababay in dhiiga shacabku ku daato, taas oo ah fidmo iyo wax aanay shareecadu ogolayn cid kasta oo ku kacdana ay noqonayso cid baal martay oo khilaaftay shareecada diinta Islaamka.

Dadka fidno abuurka ah ee kacdoonada iyo dhibaatada abuura ayuu sheekhu ku tilmaamay, kuwo turjumid khaldan ka bixinaya, shareecada diinta Islaamka oo iyadu ah mid u taagan, akhlaaqda wanaagsan, horumarka aadamiga iyo hir galinta nidaam ku salaysan xikmad Rabaani ah oo caddaalad iyo nabad galyo lagu raaxaysto u horseeda dhamaan noolaha iyo nafleyda Alle abuuray oo dhan ayuu yidhi Sheekh Sudaysi.

Sheikh Sudaysi ayaa figrad argagixisanimo ku dhisan ku tilmaamay, figradaha ku dhisan, go?aan qaadasha dhinaca kaliya, ee aan qiimayn aragti iyo figrad kale oo dunida ka jirta, isla markaana xaqa iyo waajibaadka u fasirta sida ay rabaan, iyagoo isticmaalaya magacyo mustacaaro ah iyo halku dhegyo afka uun laga odhanayo oo aan Alle (SW), looga baqayn.

Imaamka Masaajidka ugu wayn uguna barakaysan Islaamka Sheikh Abdul Rahman Al Sudaisi oo ka hadlaya afkaaraha rabitaan cid u adeegaya ku salaysan ayaa u daliishaday Aayad Quraan ah oo Alle (SW), kaga hadlo dadka isla quman ee marka lagu yidhaahdo arlada ha fasaahadinina yidhaahda, waanu wanaajinaynaa ee halkeenu ka fasahaadinaynaa, kuwaas oo ah kuwo dunida fasahaadinaya laakiin aan waxba fahmayn.]

 

WAJAALE NEWS DESK ‘

 

HARGEISA OFFICE

Exit mobile version