Hargeysa(Wajaale Hargeisa)-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa baaq nabadeed u diray beelaha reer Somaliland ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaanka Bad Heerin oo ka tirsan degmada Oog ee gobolka Sanaag.
Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo maanta xafiiskiisa warbixin kooban oo ku saabsan shaqaaqadan ku siiyey shabakada Hadhwanaagnews ayaa waxa kale oo uu dhanbaal tacsi ah u diray ehelada,qaraabadii iyo shacbiweynaha Somaliland ee uu ka geeriyooday Suldaan Bare Warsame Shire.
Waxaan u soo jeedinayaa beelaha walaalaha in nabad loo soo noqdo oo wixii arina lagu dhameeyo wada hadal in walaaltinimada iyo deegaanka loo soo noqdo, waxa kale oo aan u soo jeedinayaa xukuumada in la sugo amniga halkaas, waxaanan rajaynayaa inay beelaha walaalaha ahi u dhaga nuglaadaan gurmadka uga yimid walaalahooda gobolada kale ee dalka iyo masuuliyiinta xukuumada ka socda.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale waxa uu tacsi u diray ehelada,qaraabada iyo shacbiweynaha Somaliland geerida Suldaan Bare Warsame Shire waxaanu yidhi ?Waxa kale oo aan halkan tacsi uga dirayaa ehelada iyo qaraabada Suldaan Bare Warsame Shire oo ku geeriyooday daad ku qaaday dooxa Dacar Budhuq isaga oo ku sii socda nabadaynta beelaha walaalaha ah ee halkaa isku dilay, ilaahay isagana naxariistiisii jano ha ka waraabiyo shacbiweynaha Somaliland samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga Waddani.
Wajaale News
Office :Hargeisa/Somaliland