WAJAALE NEWS

Golaha Wakiiladda Oo Ansixiyay Guud Ahaanba Wasiiradii Uu Magacabaay Madaxweyne Siilaanyo

Wasiiradan ayaa intii anu goluhu Ansixin fadhigii maanta waxaanay sheegeen in ay si xilkasnimo leh uga soo bixi donaan

Hargeysa(WJN) – Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa maanta cod gacan tag ah ku Ansixiyay sagaal Masuul oo isugu jira Wasiiro, Wasiiru-dawlayaal iyo Wasiir ku-xigeeno, kuwaas oo ahaa Wasiiraddii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Siilaanyo Magacaabo.

 

 

Wasiirada la Ansixiyay waxay kala ahaayeen:

1.    Wasiirka Arrimaha Dibeda Maxamed Biixi Yoonis

2.    Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse

3.    Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi baadhista iyo Tiknoolajiyada Aadan Axmed Warsame

4.    Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal

5.    Wasiirka Dibu-dajinta Axmed Cabdi Kaahin

6.    Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees

7.    Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Bashiir Cabdi Xariir

8.    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Xasan Daahir Dhinbiil

9.    Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Cabdi Daahir Camuud.

Wasiiradan ayuu Goluhu Cod aqlabaiyad ah dhamaantoodba ku Ansixiyeen, waxaana Golaha fadhiyay konton mudane, waxaa wali hadhsan Wasiiro kale oo iyagana Goluhu Ansixin doono Barri sida uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu sheegay.

Wasiiradan ayaa  intii anu goluhu  Ansixin fadhigii maanta waxaanay sheegeen in ay si xilkasnimo leh uga soo bixi donaan Xilalka uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay, isagoo mid kastaa ka hadlay hawlaha horyaala ee in uu qabto laga sugayo.

WAJAALE NEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL : Wajalenews@gmail.com

 

 

Exit mobile version