Burco: (Wajaale News)-Wefti wasiiro ah oo saaka kormeer kutegey Cisbitalka Burco + wasiirka caafimaadka oo cisbitalka dhexdiisa dhagax dhigay Xarun lagu safayn doono kelyaha iyo wasiir warancade oo baaq u diray Beelo xalay ku diriray God- heeli.
Wasiirada wasaradaha Madaxtooyada, Arimaha Gudaha, Caafimaadka, Gaashaandhigga, duulista iyo hawada, Xananada xoolaha, wasirudawlaha maaliyada, wasirudawlaha waxbarashada, taliyaha ciidanka booliska Somaliland, mareeyaha hayada tayada, iyo Masuuliyin kale oo ka tirsan Xukumada Somaliland ayaa maanta kormeer baladhan oo indha indhayn ah ku kala bixiyeye qaybaha kala duwan ee Cisbitaalka Guud ee magaalada burco.
Kormerkani Oo ay
Masuliyintani Ugu Kuur-galayeen Qababka kale duwan ee uu u shaqeyo cisbitalku iyo waliba xaladaha ay ku sugan yihiin dadka Bukaan jiifka ahi ayay halkaasi warbixino kale duwan kaga dhagaysteen Qaar ka tirsan Dhakhatiirta kala duwan ee ka howl-gala cisbitalka. iyagoo sharaxaadna ka bixiyay marxalada uu wakhtigani ku sugan yahay cisbitalkaasi oo ay dhawaan haayada MSF oo gacanta ku haysay ka guurtay.
Waftigani Uu Hogaaminayey Wasiirka Madaxtoyada Somaliland Xirsi Cali X- Xasan ayaa ballanqaaday inay bixin-donaan kharashadkii ay hore Haayada MSF siin-jirtay Cisbitaalka burco isla markaasna ay intii karaankooda ah ay ka qayb-qaadan donaan sidii uu u sii taaba-qaadi lahaa Cisbitaalku.
Wasiirka Cafimaadka S/land Dr: Saleban Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) ayaa isna si rasmiya u dhagax-dhigay dhismaha Xarun Cafimaad Oo Lagu safayn-doono Kalyaha isla markaasna laga dhex-dhisi-doono Gudaha Cisbitalkaasi.
Wasiir Xaglo-Toosiye Oo ka hadlay dhagax-dhigaasi ayaa shegay in aanay haba-yaratee wax gaabis ahi ku iman-doonin shaqadi ka socotay cisbitalka burco taasi oo ay hore gacanta ugu haysay haayada MSF oo iyadu dhawaan shacisay inay ka baxday G/togdheer isla markaasna ay joojisay howlihii shaqo ee ay ka haysay cisbitalkaasi.
Dhinaca kale Wasiirka Wasarada Arrimaha Gudaha S/land Mudane Cali Maxamed Warancade Oo isna Maanta soo gaadhay Magalada burco kana mid ah weftiga wasiirada ahee cisbitaalka bookhday ayaa sheegay in ujedadoodu ahayd sidii ay usoo xalin-lahayeen shaqaaqo xalay Degaanka God-Heeli Oo Dhanka Bari ka xigta Degmada Oog ku dhex martay Laba Belood Oo wada dega.
Wasiirka arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade Oo ka hadlay Ujeedada safarkooda ayaa shegay inay tegayaan degaanka God-Heeli si ay usoo xalliyaan shaqaqada ka dhacday Degaankaasi.
Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in Haba-yaratee degaankaasi Aan lagu arki-karin wax hub ah oo ay sitaan labada dhinac ee ay dirirta coladeed dhex martay waxaanu ugu baaqay inay ilaliyaan nabad-galyada isla markaasna ay iska ilaaliyaan wax kasta oo keenaya nabad-galyo daro.
Cali Maxamed Warancade ayaa dhambaal tacsi u diray qoyskii iyo Qarabadii uu ka baxay Alle how naxaristii Suldaan Bare Oo ku Geriyoday Gaadhi Uu la socday suldankaasi Oo Uu Daad ku Qaaday Dooxa Wayn Ee Dacar-Budhuq kana mid ahaa weftiga wasiirka.
Waxana Waftigani Uu Hogaminayay Wasiirka arrimaha Gudaha isla mrkiiba u anba-baxeen Dhinaca Degmada God heeli oo xalay shaqaaqo ka dhacday . iyadoo la shegay inay ku dhinteen Shan Qof halkay ku Dhawacmeen Todoba Qof Oo Kale labada dhinac ah.
Wajaale News
Office:Hargeisa/Somaliland