Kampala-(Wajaale News)-Maamulka sare ee Jaamacadda dalka Liberia ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan ardayddi ka qalin jebisay dugsiyadda sare ee dalkaa oo tiradoodu dhamayd Afar iyo Labaatan Kun oo arday oo u fadhiistay imtaxaanaadkii ay ugu gudbayeen Jaamacadda inay dhamaantood wada dhaceen oo aanu jirin arday kaliya oo ku guulaystay in uu ka gudbo imtaxaanaadkii ay ardayddu ugu gudbaysay waxbarashadooda Jaamacadeed.
Madaxa imtaxaanaadka oo lagu magacaabo Dr. S. Momolu Getaweh, ayaa shaaciyay in aanu jirin arday kaliya oo ka mid ah ardayddaasi in aanu keenin natiijadii imataxaanaadka maadadda xisaabta 50%, halka aanu jirin arday kaliya oo luquda Ingiriisida keenay 70%, sidaana ay dhamaantood ku guuldaraysteen inay u gudbaan waxbarashada sare
ee heer Jaamacadeed, waxaanu daboolka ka qaaday in ay dhacdadani ay tusaale cad u tahay sida ay u liidato nidaamka waxbarasho ee dalka Liberia, iyada oo dhamaan ardaydda dalkaas ee dhamaystay waxbarashadda dugsiyada sare ay ku aad iyo aad ugu liitaan waxbarashadadhamaan qaybaha kala duwan ww waxbarashada gaar ahaan luqada Ingiriisidda.
Madaxweynaha dalka Liberia, ayaa ku dhawaaqday in ay arrintani tahay fadeexad qaran oo ay ceeb ku tahay dalka iyo dadka dalkeeda, waxaanu madaxweynaha dalkaasi amar ku bixiyay in baadhitaan degdeg ah lagu sameeyo ceebtan soo if baxday oo waji gabax xoogg leh ku keentay dalkaa.
Wajaale News
Office: Hargeisa/Somaliland
Email: wajalenews@gmail.com