WAJAALE NEWS

Xog-hayaha Dawladaha Hoose ee Degmada Boorama oo Caqabad ku Noqday Shaqadii Golaha Deegaanka

“wasaarada arimaha guduhu ma waxay ku xulataa nidaam beelaysan mise karti iyo aqoon. muxuuse ka badalayaa wasiir warancade nidaamka beelaysan?” Wabixin: C/raxmaan Muxumed Muuse (Buraale)

Xoghaya yaasha dawladaha hoose waxaa ay rukun dhaxaad u yihiin horumarinta dagmooyinka laga soo doortay. shaqadoodu waxay tahay inay isku xidhaan dawlada hoose iyo dawlada dhexe tan iyo intii kadanbaysay dorashadii golayaashan deegaanka  waxaa jira caqabad dabar ku noqotay dagmooyinka dalka oo ay horseed ka yihiin xog hayayaasha dawladaha hoose waxaana meesha ka baxday doorkii ay ku lahaayeen socod siinta hawlaha shaqo ee bulsha iyo isku xidhkii dawladaha hoose iyo dawlada dhexe waxaanay noqdeen kuwo ku mashquulay arimo beeleed iyo majara habaabin ay  ku sameeyeen maayaradii la soo doortay si aan ugu kuur galo arimahan waxaan socdaal ku tagay magaalada boorama ee xarunta gobolka awdal waxaan isku dayay inaan wax ka ogaado hawlaha shaqo ee dawlada hoose magaalada boorama waxaan jirta caqabad curyaamisay hawlihii shaqo ee bulashada ay u hayeen golaha deegaan ka magaalada boorama taasi oo uu horseed u yahay xoghaya dawlada hoose ee magaalada boorama  marka laga yimaado xildhibaanada la soo doortay ee maayarku hormoodka u  yahay ee ku shaqeeya heer hoosaadka u yaala golayaasha deegaanka ayaa hadana waxaa jira qarda jeex beelaysan oo baal marsan shaqadii hoghayaha dawlada hoose loo igmaday isgoo ku mashquul san hawlo beeleed oo aan loo igman iyo in isgoo sita shaadhka wasaarada arimaha gudaha uu sharaftii xilka u badalo inuu beel u joogo dawlda hoose inkastoo la odhan kro waxaa arintaa saamayn ku lahaa wasiirkii hore ee arimaha gudaha maxamed nuur caraale( duur) arimahii mudada ka taagnaa gobolka awdal iyo deegaanka xariirad ku mashquulay  xalinta khilaafkii labada beelood ee deegaankaasi oo wali taagan ayaa waxaa muqda in dhacdooyinkaasi xoghayihii dawlada hoose ka mashquuliyaan shaqadii loo igmaday iyadoo aan la saadaalin karin kaalinta uu ku yeelan doono wasiir waran cade arintan aya ilaa hada waxaa muuqda dhabar jab soo food saaray hawlihii shaqo ee dagmada boorama uu ku laha xoghayaha fulinta dawlada hoose mar aan arimahan wax ka way diiyay qaar kamida xubnaha golaha deegaanka ee la soo doortay ayaa noo xaqiijiyay in xoghayuhu hawlihii wasaarada arimaha guduhu u soo igmadeen uu kaga mashquulay shaqooyin beelaysan oo kala fogaynaya dadka wada daga gobolaka awdal waxaana ay ku si feeyeen arinta in aanay jirin la  xisaabtan wasaarada arimaha gudaha ah oo ku saabsan gudashada shadiisa xoghayenimo waxaana ay sheegeen in taasi ay sababtay in mayarkii la soo doortay uu ka majara habaabiyo shaqadii golaha deegaan ku u hayay bulshadii soo dooratay oo uu kaga mash quuliyo arimaha beelaha ee gobolka kataagan iyo arimo dhulboob ah, xildhibaanada qaar oo ka gaabsaday inay magacooga sheegaan ayaa sheegay in dawlada hoose ee boorama gurmad uga baahan tahay wasaarada arimaha gudaha waxaana fariintan ay u dirayaan wasiirka arimaha gudaha iyagoo ku taliyay in meesha laga saaro nidaamka beelaysan ee wasaaradu ku xulan jirtay xoghayeyaasha dawladaha hoose balse loo baahan yahay ayay yidhaah deen shaqsi ku yimaada aqoon iyo waayo aragnimo  u leh shaqada loo igmaday kuna koobnaada xayndaabka shaqadiisa  isla markaana aan ku milmin siyaasad iyo arimaha beelaha gobolka

C.raxmaan muxumad muuse (Buraale)

wariye katirsan gobanimo

ex musharax golaha deegaanka borama

Exit mobile version