WAJAALE NEWS

Xukuumada Siilaanyo Waxaanu ku Canbaaraynaynaa in ay Ka Sii Jeesatay Bisha Ramadaan Dadka Somaliland ee Danyarta iyo Fuqorada ah, Lacagtii Umadana Ku Bixinayso Odayaal Waji Ku Macaash ah iyo Xaflado Qurbajooga loo qabto:

Xukuumada waxaanu u soo jeedinaynaa in ay hoos u eegto dadka danyarta ah iyo fuqorada Bishan Ramadaan

 

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan, waxaa kale oo aan salaamayaa shacbiweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay aduunka ka joogaan:

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee (UCID) isagoo ku hadlaya afka daryarta iyo masaakiinta reer Somaliland ayaa waxaanu canbaaraynaynaa  dhaqamada xun xun ee Xukuumada Siilaanyo ay la soo baxday Bisha Ramadaan,  dhaqamadaas oo ay ka mid yihiin iyadoo hantidii umada ku tagrifalaysa halkay ka caawin lahayd dadka

maasaakiinta ah.

Xukuumadan talada haysaa marwalba waxay sheegtaa in Miisaaniyada dalku sare u kacday, balse ma sheegto waxa ay ku bixiyaan miisaaniyada, Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxaanu xisbi ahaan filaynay in ay Xukuumadu dadka danyarta ah caawiso inta karaankeeda ah.   Balse  nasiib daro Shacabka reer Somaliland iyo Xisbiga UCID waxay indhahooda ku arkeen Xukuumada Siilaanyo oo hantidii umada u isticmaalaysa Odayaal Waji ku macaash ah oo laga horkeenayo Golaha W. Toosinta  iyo Xaflado waa weyn oo lagu soo dhawaynayo Qurbajooga reer Somalilnad.  Qurbajooga in la soo dhaweeyo ceebi kuma jirto laakiin Bishan Ramadaan waxaa ka mudan in la soo dhaweeyo dadka danyarta ah iyo Maasaakiinta.

Xukuumada waxaanu u soo jeedinaynaa in ay hoos u eegto dadka danyarta ah iyo fuqorada Bishan Ramadaan, sababtoo ah Hantidii umada idinka ayaa gacanta ku haya, mana haboona in aad si qaldan u bixisaan. Waanu ognahay Hanti dhowr daacad ah oo idinla xisaabtamaya ma jiro. Lakiin ogaado Illaahay in uu idinla xisaabtami doono maalinteeda.

Xisbiga UCID wuxuu shacabka reer Somaliland u soo jeedinayaa in ay Taakuleeyaan dadkooda baahan iyo dadka jilicsan ee Bisha Ramadaan u baahan taakulaynta, marka aynu isku gargaarno ayuu Illaahayna inoo gargaarayaa.

 

Mr.  ABDULQADIR MOHAMED ABDULAHI

XOGHAYAHA XISBIGA UCID LAANTA  UK BRISTOL

qaadiro1980@hotmail.com

 

************************************************************************************************************

Wajaalenews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeda sida. waxa kaliya oo Wajaalenews dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga .

Exit mobile version