WAJAALE NEWS

Guurtinimadu Go’doomin Qaran Iyo Gumayn Shacab Maaha.

Xanuun fari gaadho

Hadaan laga fiirsan

Marbaan faras gaadhin

Gudoomiye saleebaan kolhadii la ixtiraamay inuu go’aanka khilaafka lagusoo afjaray ixtaarama billayd. weli su’aasha taagani waa maxay faa’idada muddo kordhinta xukumadda ugu jirta Gudoomiye saleebaan miyanay ahayn hal xidhaale furfurid u baahan. waa nasiib daro in golaha odayaasha ee marjica ahaa ay noqdaan gole fidno oo dalka ka shaqeeya hadimadiisa, waxaynu ogayn guurti khilaaf damise maynu arag guurti khilaaf hurisa, doorashadu waxay ka dhaxaysaa saddexda xisbi wixii ay isla gartaan in la qadariyaa quman. ixtiraamka golaha loo hayaa maaha inay rabitaankooda ku sanduleeyaan shacabka iyo asxaabta tartamaysa, xalaybay ahayd markii lasoo afjaray ismari waagii siyaasadeed ee taagana todobaadadan. Dhawaaqa Gudoomiye Saleebaan manta heshiiskii ku dedifay waa nasiib daro, waxay ahayd in sida xalku yahay laga wada hawlgalo in jiq laysku siiyaana ma habboona fidnada cidda waddaana way caddahay manta.

Gudoomiye salebaanoow dalku tudhaalu u baahanyahay uma baahan kali talisnimo iyo go’aan adayga aan dani ku jirin, muddada la korodhashay wa xaaran xal la mooday xukumadana waxa xaq loogu lahaa inay doorasho xora oo xalaala diyaariso hadiisae laga aqbalay oo kaadi badane waa loo gogol badshaaye sideed iyo toban bilood oo xaarana lagu abaaliyay maanta inaad go’aanka ka hor timaada waa fidno abuurid iyo Somaliland dumin. Inaad odayayso ayaa lagaga baahna kolhadaanad hore uga hawlgalin furdaaminta khilaafka oo aad horseed ka ahayd muddo kordhinta xaaranta inaad maanta heshiiskii xalak ahaa aad laasha waa ayaanadaro aan la filayn, haddi aad lexejeclo ka qabto dalka waxaad soo dhawayn lahayd go’aanka khilaafka lagu furdaanashay waxaanad gole ahaan ka hawlgeli lahaydeen sidii sharci ahaan loo waafajin lahaa muddo ordhinta sided iyo tobanka bilood ah dastuurka.

Xalay guurtidu inaanay go’aanka ku uursamayn way muuqatay oo madashii heshiiska way kasoo guureeyen, maantase lama filayn inaad sidaa odhan doontaan go’aankaad gaadheen haddi uu cuntami wayay oo uu ahaa midaan shacabka qancin qaladkana aad saamayseen markii hore inaad maanta gobonimo samaysaanbaa guul ahaan lahayd, bulshaduse marna idinka aqbalimayso qaab hogaamineedka qaldan ee golaha ku ugubka ah, rabitaanak ummaduna waa doorasho xora.

Maanta waxa caddatay cidda danta qaranka aan wadin golaha guurtidu haddu dhaaxo soo ahaa gole nabadeed gole odayeed oo xalka baadi doona maantaba barta waa golaha burburinta shacabka iyo qaranka, waxa quman in la tixgeliyo heshiiska farxadda geliyaya shacabka ee demiyay buuqi siyaasadeed hadiise go’aanka guurtida saleebaan ka dhigay waxyi aan la taaban Karin haloo sheego inaan qaranku hadimo u baahnayn ee dalku u baahanyahay cid bogga shacabka burcad isu marisa.

Go’aanka geesinimada leh ee saddexda xisbi ku dhiiradeen waxa si diiran usoo dhaweeyey shacabka Somaliland beesha caaalmka ee danaysa geedi socodka dimuqraadiyadeena curdinka ah, heshiisaka waxa lasoo dhiraan dhirinaayay tobaneeye caanamaal, danta ugu weyni waxay ugu jirtaa xukumadda oo heshay sideed iyo toban bilood oo korodhsiimo ah, hubaashii waxa loo aqbalay ee mucaaridku u tanaasuleen waa ilaalinta danta qaranka, waxa looga fadhiyaa golaha xukumadda inay caddeeyan inaanyn la qabin Saleebaan go’aanka aan danta u ahayn dawladnimadeena iyo sumcada dalkeena.

Guurtidu waa haayad dastuuriya in la ixtiraamana way mudantahay, laakiin qaladka iyo gefka sharci lagu ixtiraami maayo muddo kordhinta ay sameeyeena kumay salayn sharci oo waxay ahayduun waanu kordhinay umanay cuskan qodobo sharciya oo qeexaya asbaabaha korodhsiimada dastuurka dalku jideeyay, waxay ahayd muddo kordhin ay calamadeen oo cid gaari dabada ka riixaysay, lama tixgelin komishankii astaynta doorashada lahaa go’aankoogina giirtudu way laashay, manta in guurtida loo sheego gefkooga iyo gardaradooda loo baahnyahay, in saleebaan ummada u caga jugleeyo oo uu wacad ku maro waxaan raali laga ahayna ma habboon waana keli talisnimo muujinaysa lexejeclo la’aan.

 

Afhayeenka Dhallinyarad Xisbiga Waddani

Maxamed Sadiiq

Exit mobile version