Beeruhu waxay u baahan yihiin biyo aad u fara badan si loo soosaaro cuntadii la cuni lahaa. Waddamada ay cimiladoodu kulushahay isla markaana ay kordheyso baahidooda cunno kuna yaala Afrika, Bariga Dhexe, Aasiya iyo Latin Ameeriko, oo ay intooda badan heysato biyo yari, waxay halis ku yihiin in ay waayaan cuntaddii ay cuni lahaayeen biyo-yari aawadeed.
Aragtidani waa mid jirta oo ay gaar ahaan qabaan waddamada horay-u-maray ee warshadaha leh oo aysan haysanin dhibaatada dhinaca biyaha iyo cuntada, ayada oo loo aaneynaayo dhibaatooyinka dhinaca dhaqaalaha, maamulka iyo iyo tan ugu daran oo ah cimilada.
Haddaba, maaddaama ay beeruhu u baahan yihiin biyo badan ayna waddamadaas aan kor ku soo xusnay heysato biyo yari waxaa dhici karta in ay adkaato in ay gaadhaan siyaasadda qaran ee loo yaqaanno iskufilaanshaha cuntada (National Food Security).
Sidaas daraadeed dalalka horumaray ee qaniga ka ah biyaha waxay soo jeediyeen in waddamada biyo-yaridu heysato ay ka quustaan iskana daayaan beerashada, cuntadii ay cuni lahaayeenna ay ka soo iibsadaan dalalka kale ee qaniga ka ah biyaha. Waa in waddamadaasi aysan dhibaatada cuntada ee iyaga heysata ku xallinin waxsoosaar dhulkooda ka soo go’a balse ay isticmaalaan ganacsiga suuqa adduunka si ay cuntadooda halkaas ugu soo gataan. Tani macnaheedu waa in ay waddamadaasi xidhaan dhul-beereedka iyo shaqooyinka la xidhiidha si ay biyihii ay ku waraabin lahaayeen beeraha ugu isticmaalaa meelo kale.
Fikradani waxa qaatay dalal badan oo ay ka mid yihiin Botuswana, Namiibiya, Sacuudi Carabiya iyo kuwo kale. Fikraddan ay soo jeediyeen dalalka horumaray waa mid u baahan in ay si fiican u dhuuxaan dalalka ay quseyso, oo intooda badan ku yaala waddamada soo koraya ee dunida saddexaad.
Dad gaaraya hal bilyan oo qof ayaan maanta dunida ku heysanin biyo nadiif ah oo ay cabbaan kuna noolaadaan, ayada oo hal bilyan oo kalena ay heysato cunto la’aan la xidhiidha biyo-yarida, tiradaas faraha badan ee labada bilyan ah waxay ku kala nool yihiin 86 dal oo intooda badan ku yaala qaaradda madow ee Afrika oo qoraxda iyo khilaafka siyaasadeed ku caan baxday.
Qalinkii: Abdirashid Mohamed Jama (Belel)
governance002@gmail.com