WAJAALE NEWS

Xisbiga UCID Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Digniintii Gudida Diiwaangelinta Qaranka Somaliland

Hargaisa(Wajaale News)    Guddida Diiwaangelintu Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku aanay marnaba iyaga lahayn wax denbi maadaama ay iyagu ay ka dhigan yihiin dhagax lagu soo tuuray xisbiga Ucid. Dhagaxuna denbi malaha ee waxa denbi leh gacantii soo tuurtay.

Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay Warsaxaafadeedkii Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadu ay ku sheegeen in talaabo laga qaado Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Xogyaha Guud ee Xisbiga UCID Axmed Aden Ismaaciil (Keyse) oo shir jaraa?id ku qabtay xarunta Xisbigaasi ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xusay in aanay dambi ahayn in uu guddoomiyuhu uu la shaqeeyo guddi.

Waxaanu yidhi ?Waxa maanta oo Talaato ah taariikhduna tahay 23 July

2013 aanu shirkan jaraaid u qabanay in aan  kaga jawaabno fariin iyo hadalo u muuqday amar iyo farogelin qaawan oo ay Guddida Diiwaan Gelinta Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranku noo soo mariyeen warbaahinta taariikhdu marka ay ahayd 20 July 2013.  Waxa la gudbooneyd Guddida hadii ay rabeen in ay xisbiga kala hadlaan arrimmo khuseeya in ay ku fiicneyd in ay xisbiga si toos ula soo xidhiidhaan halka ay ka adeegsadeen saxaafadda.

Taas waxa ay runtii noola muuqataa in guddidu kula kacday xisbiga Ucid wax ka baxsan ama baalmarsan nidaamka, anshaxa, asluubta iyo xidhiidhka wadashaqeyneed ee ka dhexeeyay xisbiga iyo guddida.

Annagu hadii aanu nahay xisbiga Ucid maanaan jecleyn in aanu jawaabtayada u marino warbaahinta oo khalad khalad ku saxno, balse waxa nagu kalifay in aanu sidan yeelno si aanu u saxno khaladkii iyo jaah-wareerkii uu geliyay ummadda Somaliland guud ahaan, gaar ahaan bahweynta Xisbiga Ucid warsaxaafadeedkii siyaasadeysnaa ee danta gaar laga lahaa ee guddi ku shaacisay warbaahinta kala duwan.

Guddidu waxa ay warsaxaafadeedkooda ku sheegeen in ?Guddoomiyaha Xisbiga Ucid uu ka dhex muuqday gole aan sharci ahayn?.

Haddaba, waxa amankaag iyo yaab nagu noqotay in guddida ay denbi uga dhigaan guddoomiyaha xisbiga Ucid meel buu ka muuqday.

Waxa aanu tuhunsaneyn in 7 xubnood ee guddida ay ugu yaraan mid ka mid ahi yahay Sharci-yaqaan sida ku cad Qodobka 3aad, farqadiisa 2aad ee Xeer Nidaamka Ururada iyo Asxaabta (Xeer No. 14), balse waxa aad moodaa in ay tuhunkii iska qaadeen marka aad aragto eeda ay u sameeyeen gudoomiyaha xisbiga Ucid iyo sida ay xisbiga ula dhaqmeen. Waxa aanu akhrinay dhamaan qoddobada uu ka kooban yahay Dastuurka Qaranku iyo xeerarka ka farcama meelna kama jirto qodob sheegaaya in ay denbi tahay la fadhiisiga gole iyo dad muwaadiniin ah.

Mar hadii aanu dastuurka JSL iyo xeerarka ka farcamaa aanay sheegeynin arrintaasi oo kale waxa laga yaabaa in ay eedaasi guddidu ka keeneen oo ka soo manguuriyeen xeerarkii iyo sharcigii jeebka lagu sidan jiray xilligii taliskii Maxamed Siyaad Barre ee denbiga laga dhigi jiray lala fadhiisto kacaandiid, u riyaaqid dacaayada dowladeed, seexan waa, iwm.

Waxaana runtii ah wax laga xumaado in guddidii dhex-dhexaadka ahayd in ay soo gasho dagaalkii iyo weerarkii afka ahaa ee u dhexeeyay xukuumadda iyo mucaaridka si ay u xoojiyaan oo ay gurmad iyo hiil ugu noqdaan xukuumadda talada dalka heysa ee lasii lagdaayay.

Waxa kale oo guddidu ku xuseen warsaxaa-fadeedkooda ?In xisbiga Ucid farayaan in ay talaabo ka qaadaan guddoomiyaha xisbiga Ucid, guddida diiwaangelinta u soo gudbiyaan Jawaabta?.

Runtii waa wax laga xishooda in fariin iyo amar ka baxsan awoodahooda iyo waajibaadkooda ay siiyaan Xisbiga Ucid oo ka mid ah seddexda Xisbi Qaran ee dalka ka jira oo ku fadhiya codkii iyo kalsoonidii taageerayaashiisa.  Xisbiga Ucid waxa uu leeyahay Xeer Guud oo mas?uulkii iyo xubintii jabisa mid ka mid ah qodobadaasi xeerku dhigaayo loo cuskado marka la anshax marinaayo.  Ma jirto inta aanu ka war heyno in guddoomiyaha Xisbiga Ucid uu jebiyay ama ku gefay qodob ka mid ah Xeerka Guud ee Xisbiga Ucid.  Sidaasi darteed nooma muuqato sabab aanu uga qaadno tallaabo guddoomiyaha xisbigayaga.

Dhaqanka noocaas ah ee guddidu nagula kacday waxa aanu u aragnaa in ay tahay faro-gelin qaawan oo ay doonayaan in ay sharafta iyo karaamada xisbiga iyo guddoomiyhiisa ay wax ugu dhimaan.   Haddii aanu nahay Bahweynta xisbiga Ucidna cidna ka oglaanmeyno in wax naloo yeedhiyo iyo in faro-gelin lagu sameeyo Xeerarka Xisbiga Ucid iyo hawlihiisa u gaarka ah.  Guddida Diiwaan Gelinta iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka annaga oo ku ixtiraameyna shaqada ay qaranka u hayaan waxa aanu ku boorin lahayn in aanay lumin dhex-dhexaadnimada iyo kalsoonida ay ku qabeen axsaabta qaranka.

Muddada yar ee xilkooda uga hadhayna waxa aanu ku waanin lahayn in aanay khaatumo xumeysanin. Waxa aanu rumeysanahay Guddida Diiwaangelintu Ururadda Siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranku aanay marnaba iyaga lahayn wax denbi maadaama ay iyagu ay ka dhigan yihiin dhagax lagu soo tuuray xisbiga Ucid.  Dhagaxuna denbi malaha ee waxa denbi leh gacantii soo tuurtay.

Allah Mahad Leh

Axmed Aden Ismaaciil (Keyse)

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid

 

Wajaale News (HARGAISA SOMALILAND)

 

Exit mobile version