WAJAALE NEWS

Wasiirka Maaliyadda oo soo saaray Digreeto uu ku dalbanayo in Miisaaniyadda 2014-ka la soo xareeyo bisha August

Digreetadan oo xanbaarsan Macluumaad la xidhiidha qaabka Odoroska loo soo samaynayo iyo shuruudaha la xidhiidha Isticmaalka Miisaaniyad sanadeedka 2014 kaga bogo faahfaahinta……………

Hargeysa(WAJN) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland C/casiis Maxamed samaale ayaa soo saaray Digreeto uu u kala diray Wasaaraddaha iyo Hay’adaha Dawladda, taasoo uu ku dalbanayo wasaarad kastaa in ay 1st August 2013ka soo xarayso Odoroska Miisaaniyadda 2014ka si loogu gudbiyo Golaha Wasiiradda iyo Golaha Wakiiladda si lo Ansixiyo una dhaqangasho horaanta sanadka 2014ka.
Digreetadan oo xanbaarsan Macluumaad la xidhiidha qaabka Odoroska loo soo samaynayo iyo shuruudaha la xidhiidha Isticmaalka Miisaaniyad sanadeedka 2014 kaga bogo faahfaahinta
Ku: dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawliga ah
Ku: dhamaan Taliyayaasha Ciidamada
Og: Golaha Wakiiladda
Og: Golaha Guurtidda
Og: Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland
Og: Madaxweynaha JSL
Ujeeddo: Diyaarinta iyo soo gudbinta Miisaaniyadda 2014
Sida ku qeexan Xeerka Maamulka Miisaaniyadda ee Qaranka( Financial and Accounting Procedure of the State). Waxa waajib ah in dhamaan Golayaasha Dawladda , Wasaaradaha, Wakaaladaha, dhamaan Ciidamada iyo Hay’adaha kale ee Dawladdu ay soo diyaariyaan, una soo diraan wasaaradda Maaliyadda sanadka 2014-ka Kharash iyo Dakhliba, iyadoo lagu soo habaynayo Foomamka Budget-ka (Budget Preparation Forms) halkan ku xusan lana raacayo tilmaamaha wareegtadan ku xusan.
Miisaaniyadda sanadka cusub ee 2014-ka waxay diyaarinteedu xambaarsanaan doontaa dhawrka Arrimodd ee soo socda.
• Muujinta iyo faahfaahinta Miisaaniyada illaa heer gobol (Distribution of Ministerial Budgets into departments and/ or Regions)
• Dakhligeena ku soo xerooday goobaha Dakhli ururinta
Hay’adaha Madaxa banaan ee lagu darayo Odoroska Miisaaniyadda
1. Wakaaladda Korontada Hargeysa (Somaliland Electricity Agency)
2. Hay’adda Korontada Berbera
3. Wakaaladda Biyaha Hargeysa (Hargeysa Water Agency)
4. Wakaaladda Biyaha Berbera
5. Wakaaladda biyaha Borama (shaba)
6. Wakaaladda Biyaha Gabilay (Samsam)
7. Wakaaladda Biyaha Burco
8. Haamaha Shiidaalka Berbera( Berbera Oil Terminal)
9. Wasaaradda Duulista iyo Hawada
10. Baanka Dhexe ee Somaliland
11. Taakulada Goboladda Barri
12. Hay’adda Wadooyinka
13. Dawladaha Hoose
14. Dekedda Berbera (Berbera Port Agency)
15. Wakaaladda Madbacada Qaranka (National Printing Agency)
Hadaba, waxa Hay’adahaas kor ku xusan laga doonayaa in Odoroska Miisaaniyadda 2014 usoo diyaarsadaan qaabkoodii ay hore ugu samaysan jireen, Dakhli iyo Kharashaba, una soo diraan Wasaaradda Maaliyadda iyagoo wixii mashaariic ah ee sanadka 2014-ka si gaar ah u tilmaamaya kuna soo habaynaya Foomka ku lifaaqan Warreegtadan.
Muujinta Qorshe Miisaaniyadeedka ilaa heer Gobol
Waxa iyana la idinka doonayaa inaad Odoroska Miisaaniyadda 2014-ka u kala saartaan illaa heer gobol idinkoo ku habaynaya Foomka wareegtadan ku lifaaqan, ee loogu talogalay, si miisaaniyadda uga muuqato adeega bulshada iyo hawlaha Mashaariicda illaa heer gobol.
Ka muuuqashada Miisaaniyadda istaraatajiyada Dawladda iyo kala mudnaanta Kharashyada
Waxa kaloo la idinka doonayaa inaad Odoroska miisaaniyadda 2014-ka ku soo habaysaan qorshaha kala mudnaanta hawl-galadiina kala duwan. Waxaana waajib ah in Hay’ad waliba ay odoroska Miisaaniyadda ka muuqata qorshaheeda siyaasadeed iyo kala-mudnaanta kharashyada.(Government Policies Priorities)
Magaha iyo Biilasha Taagan
Waxa dhamaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dawladda laga codsanayaa in ay Magaha iyo Biilasha taagan ee aan ku jirin Miisaaniyadda 2013-ka ku soo darsadaan Miisaaniyadda 2014-ka si arinkaa loo xaliyo. Sidoo kale waxa la xasuusinayaa inaanay gelin kharash ka dheeri ah ka Miisaaniyadda loo ogolaaday sanadkan isla markaana biilashooda ku salaysan Miisaaniyadda ay u gudbiyaan Xisaabiyaha inta aanay dhamaan mudada diyaarinta Miisaaniyaddu.
Madaxyada iyo Madax xigeenada Miisaaniyadda 2014 (Head and Sub-head of Budget classification )
Waxaan dhamaan Wasaaradaha, Wakaaladaha iyo hay’adaha Dawladda ee Wareegtadani tooska ugu socoto laga doonayaa inay Odoroska Miisaaniyadda cusub ee sanadka 2014ka ku soo qoraan Madaxyada iyo Madax-xigeenada ku lifaaqan Wareegtadan.
Haddii uu soo baxo kharash uu meesha ka maqan yahay Madax-xigeenka ku haboon waa inaad sidiisa u soo codsataan kharashka noocaas ah idinka oo ku hoos muujinaya nooca kharashka eek u haboon iyadoo waaxda Miisaaniyaddu ay wasaaraddan siin doonto Madax-xigaha ku haboon.
Odoroska Dakhliga Miisaaniyadda 2014-ka
Waxa iyana waajib muhiim ah in wasaaradaha iyo Hay’addaha Cashuur qaadista iyo Dakhli ururinta, ama ha ka tirsanaadaan waaxaha Wasaarada Maaliyadda ama hay’adaha kale ee Dawladda sib wasaaradda Boostada iyo Isgaadhsiinta. Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga, Wasaaradda Kalluumaysiga. Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, Maxkamadaha, Dekedda, wasaaradda Cadaalada, Hay’adda socdaalka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Wasaaradda Ganacsiga, wasaaradda Wershadaha, wasaaradda dhalinyarada ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Wrfaafinta, TV-ga Qaranka ee SLNTV, Wasaaradda Arrimaha bulshada iyo shaqada, Wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Xanaanada Xoolaha IWM.
Waa inay mudnaanta koowaad ee xil gudashadooda siiyaan ku talagalka sidii loo abaabuli lahaa loona soo xarayn lahaa dakhliga ugu sareeya ee sharci ahaan suurto gal ah isla markaana soo diyaariyaan Odoroska Dakhliga ee Miisaaniyadda sanadka 2014-ka gaar ahaan dakhliga la xidhiidha:-
• Cashuurta isticmaalka iyo dhaqdhaqaaqa Ganacsiga
• Dakhliga kala wareejinta Hantida Raagta
• Dakhliga Hantida Dawladda
• Dakhliga Alaabta iyo Hawsha
• In Odoroska Miisaaniyadda 2014ka lagu soo diyaariyo qaabka ku tilmaaman wareegtadan iyo Foomamka la socda soona gaadhsiisan wasaaradda Maaliyadda ka hor 1first August 2013.
Gabagabo
Gunaanad ahaan waxa kale oo xusid mudan in doorkan ay wasaaradda Maaliyadda u qorshaysan tahay in miisaaniyadda sanadka 2014ka oo dhamaystiran loo gudbiyo Golaha xukuumadda iyo Golaha sharci Dajintaba wakhtiga xeerku tilmaamayo si Miisaaniyaddu u dhaqan gasho bilawga sanadka danbe.
Sidaas darteed waxa la idinku adkaynayaa in aad si dhakhso ah uga hawl gashaan diyaarinta Miisaaniyadda, iyadoo ay reebantahay in marnaba soo gudbinteedu ay ka dib dhacdo 1st August 2013ka.
Allaa Mahad Leh
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda
C/casiis Maxamed Samaale

WajaaleDesk News
Contact info@wajaalenews.net

Exit mobile version