WAJAALE NEWS

Muuse biixi cabdi gudoomiyaha kulmiye”Raga Xukuumadda kamida ee suuqa jooga ee intay microfonka qabsadeen u kala tirinaaya dhagawayne iyo maxamed xaashi waar ma qabato waa meel ka dhac in la is xaqirana maaha”

muse biixi

Hargeisa-(wajaale news)- Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi ayaa daaha ka feyday inuu ka mid ahaa Ergo ka socotay xukumada oo loo diray inay wadahadalo iyo kulamo la yeeshaan asaasayaasha golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka markii lagu dhawaaqey ee sawaxanka iyo sasku soo baxay ka dib,wuxuuna sheegay inay wadahadalada dhanka xukumada ku wehelinayeen Wasiir Warancade Iyo wasiir Samsam. Wuxuuna Muuse intaas ku daray inuu guryahooda ugu tegay Degaweyne,Xasan Ciise iyo Maxamed xaashi ,dood adag dabadeedan wax isla meel dhigeen hase yeeshee wasiiro ka tirsan xukumada arintaas walaaqeen oo warbaahinta aflagaadooyin iyo hanjabaad la soo fadhiisteen. Muuse wuxuu sheegay inay hadaladii kulkululaa ee ka soo duul-duulay ama ka soo baxay Afka golaha xukumada Siilanyo iyo dhanka golaha wadatashiga ee warbaahinta laysu mariyey Umadu dhibsatey oo ka naxday gudo iyo debedba. Muuse Biixi wuxuu ku eedeeyay Rag Golaha xukumada Siilanyo ku jiraa in intay warbaahinta soo fadhiistaan u kala tiriyaan Dhegweyne,Eng.Maxamed xaashi iyo Xasan Ciise,wuxuuna intaas ku daray inaanay nimankaasi istaahilin in la caayo iyo in la tuurtuuro toona. Isku soo wada duuboo wuxuu Muuse Biixi ku eedeeyay labada qoloba,xukumada Siilanyo iyo golaha wadatashigaba inay ku jiraan kooxo fidmo wadayaala oo warbaahinta hadalo aflagaado iskaga hurgufay,oo dhinacba dhinac kale weerar afka ah la beegsadey.

Exit mobile version