WAJAALE NEWS

Madaxwayne Siilaanyo oo Caawa Qasrigiisa ku qaabilay Sheekh ka mid ah Culimada waawayn ee Gobolka Awdal

Hargeysa (Wajaale News)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa caawa waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah Culimada waa weyn ee Gobolka Awdal wax ka dhiga gaar ahaan Markiska Wey nee Iimaamu Shaadibi oo uu ka dhigo Qur’aanka Kariimka ah isaga oo xooga Saara Dadka Waa weyn wax auu sheeku ku guulaystay Jaaisad la yidhaa Raabidatu Caalamu Islaam taasi oo la siiyo Macalinka ugu wanaagsan sanad walba aduunka oo uu sanadkan 2013-ka ku guulaystay Sheekh Xuseen Nuur  Gudida bixisa jaaisadan oo fadhigeedu yahay ama ay degantahayba Sucuudi Arabiya ayaa Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxa ay sheekha u garteen in uu isagu noqdo qofkii ugu budnaa Caalamka eek u guulaysta Abaal-marintan.

Kulankan oo Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeynaayey Sheekha Jaaisadaa qaaliga ah ee uu ku guulaystay iyo magaca uu u soo hooyey dalkiisa hooyaba waxa uu madaxweynuhu sheikha ku hambalyey kuna dhiiri geliyey in uu dedaalkiisa halkaasi ka sii wado.

Waxa madaxwweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Culimo badan oo sheekha la socotay.

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

Exit mobile version