WAJAALE NEWS

Jaamacadda Abaarso Tech oo Shahaadooyin Guddoonsiisay Arday Dhammaysatay Barashadda Afka Ingiriisida.

Mrs. Judy Houghtalen “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa 15-ka arday ee dhammaystay barashadda afka Ingiriisida, ee caawa qalinjabinaya”………..

Hargeisa(Waj)-Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Jaamacadda Abaarso Tech ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 15 arday oo dhammaystay barashadda afka Ingiriisida.

Ardaydan oo muddo sannad iyo badh ah baranayey ayaa waxa xafladda qalinjabintooda ka soo qaybgalay guddoomiyaha guud ee Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise, Hormoodka waxbarashadda ee Jaamacadda Md. Axmed Baashe Cabdi Gaboobe , hormoodka waaxda Barashadda Ingiriisida, Mrs. Judy Houghtalen iyo madax kale oo ka socotay Abaarso Tech iyo ardayda jaamacadda.

Ugu horrayn waxa halkaa ka hadlay Hormoodka qaybta Ingiriisida ee jaamacadda Mrs. Judy Houghtalen oo guud ahaan ka warbixisay maraaxilkii ay soo martay jaamacaddu, iyadoo ardaydana ku ammaantay dedaal iyo karti dheeraad ah oo ay muujiyeen muddadi ay waxbarashadda ku jireen, waxaanay tidhi; “Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa 15-ka arday ee dhammaystay barashadda afka Ingiriisida, ee caawa qalinjabinaya. Waxay ahaayeen arday muujiyey adkaysi iyo dadaal intii ay waxbarashaddu u socotay. Waa arday aanu maanta ku kalsoonahay tayadooda waxbarasho iyo aqoonta ay u leeyihiin afka Ingiriisida; hadday tahay hadal, qoraal, akhris iyo dhagaysiba. Faraq weyn ayaa u dhaxeeya maalintii ay bilaabeen iyo maanta horumarka ay sameeyeen.
Waxaan aad ugu mahadnaqayaa dhammaan macalimiintii kala duwanayd ee mudadaas gacanta ku soo haysay; gaar ahaan waxan u mahadnaqayaa Mr. Tim Decker oo tacabkii uu galiyey ardaydan aanu arkayno midhahiisii.”

Waxa isna hadal kooban halkaasi ka jeediyey Hormoodka waaxda waxbarashadda ee Jaamacadda Md. Axmed Baashe Cabdi Gaboobe ardaydana ku hambalyeeyay qalinjabintooda.

Md. Axmed Baashe ayaa sheegay in ardaydoodu ay xoogga saaraan sidii ay u dhisi lahaayeen Ingiriisidooda, waxaanu yidhi, “Waxaanu iska xilsaarnaa markasta in aanu helno macalimiin aqoon iyo waayo aragnimo u leh maadada ay dhigayaan isla markaana waxaana xooga saarnaa diyaarinta manhaj dhamaystiran ee ugu tayadda roon ee ardayda lagu dhisi karo aqoontooda hadii ay tahay luuqadooda Ingiriisida ama faculty-yada kale ee ay Jamacaadu kaga horayso Jamacaddaha kale ee dalka, Alxamdulilaah taasna waa mid aanu ku guulaysanay oo sida ay Jaamacaddu guud ahaan waaxyaheeda kala duwan ay waxbarashadeedu tayada u leedahay ayay qaybtan Ingiriisiduna u tahay mid qiime gaar ah noogu fadhida.”

Ugu danbayn waxa xafladdaas soo gunaanaday oo hadal ka jeediyey, Guddoomiyaha guud ee Abaarso Tech Dr. Axmed Xuseen Ciise oo ardayda ku dhiirigaliyey inay waxbarashadda halkaasi ka sii wadaan oo anay halkaa kaga hadhin. “Abaarso Tech waa hay’ad waxbarasho oo u taagan kor u qaadida tayada waxbarashadda ee Qaranka. Ilaahay mahadii waa mid aanu himilooyinkeedii waxbadan ka xaqiijinay inbadana noo qorshaysan tahay oo aanu ku doonayno in kaalinta nagaga aadan kor u qaadida waxbarashada Somaliland qayb-libaax leh ka qaadano.”

Gabagabaddii 15 arday ayaa goobtaasi lagu guddoonsiiyey shahaadooyinkoodii.

Wajaale news desk

Hargaisa Office

Exit mobile version