WAJAALE NEWS

Halkan ka Daawo: Madaxweyne Obama Oo Afur Uu Aqalka Cad Ugu Sameeyay Muslimiinta Maraykanka Ayaad Quraan Ah Ka Akhriyay

Daawo: Madaxweyne Obama Oo Afur Uu Aqalka Cad Ugu Sameeyay Muslimiinta Ayaad Quraan Ah Ka Akhriyay


(Wajaalenews) Sunday, July 28, 2013
Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa muslimiinta dalkaas ku booriyay in ay ka shaqeeyaan horumarinta mushtamacooda, waxaanu soo daliishaday Ayaada Quraanka ah, ee [Qofkii sameeya wax yar oo khayr ahi wuu arki doonaa],

 

Washington, (Wajaalenews/Agencies):- Madaxweynaha Dalka Maraykanka Barack Obama ayaa habeenimadii jicmihii afur iyo casho sharafeed Muslimiinta, dalkaas iyo dublamaasiyiinta dalalka Islaamka Matala ugu sameeyay aqalka cad ee looga taliyo dalkaas.  Madaxweyne Obama ayaa dublamaasiyiintii iyo dadkii ku sugnaa Hoolka Qaranka markii uu u soo galay, ku salaamay erayga, (Ramadan Karim) oo afka carabiga ah, ka dibna waxa uu ka hadlay, munaasibadan iyo macnaha ku jira oo sida uu tilmaamay u macaan sida macnaha eraygaasi leeyahay oo kale.

Dhinaca kale Madaxweyne Obama ayaa muslimiinta dalkaas ku booriyay in ay ka shaqeeyaan horumarinta mushtamacooda, waxaanu soo daliishaday Ayaada Quraanka ah, ee [Qofkii sameeya wax yar oo khayr ahi wuu arki doonaa], aayadaas oo ku jirta suurada Sulsulid, waxa uu tilmaamay sida qof kasta oo wax qabta uu abaalkeeda u helayo.

 

Afur sharafeedka bisha Ramadaan muslimiinta loogu sameeyo Aqalka cad ayaa ka bilaabmay wakhtigii uu xukunka dalkaas hayay, Madaxweyne Bill Clinton, ka dibna waxa qabtay George W. Bush, Obama laftiisuna wuu sii xoojiyay caado sharafeedkaas sida aqalka cad bayaan laga soo saaray lagu sheegay

 

           HALAKAN DAAWO

 

Wajaale News Desk

WAJAALE OFFICE

 

Exit mobile version