WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Kenya oo xaley afur u sameeyey Muslimiinta ku dhaqan dalka kenya

Munaasabada Afurka ayaa lagu soo beegay xili ay sii dhamaaneyso 10ka maalmood ee hore ee bisha Barakeysan ee Ramadaanka. …..

Hargeysa(WJN) Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay Afur u sameeyey madaxda muslimiinta dalka Kenya.
Munaasabada Afurka ayaa lagu soo beegay xili ay sii dhamaaneyso 10ka maalmood ee hore ee bisha Barakeysan ee Ramadaanka.
Madaxweynaha Kenya ayaa kulankan muslimiinta kala hadlay arrimo badan oo kamid ah xaalada amaanka ee dalka Kenya iyo balan qaadyadii hore ee Madaxweynaha Kenya u sameeyey bulshada Muslimka kenya oo awood weyn dalkaasi kuleh.
Uhuru Kenyatta madaxwaynaha Dalka Kenya oo soo xidhay dharka ay muslimiintu caanka ku yihiin ee khamiiska iyo koofiyada ayaa waji furan ku soo dhawayn martidaa muslimiinta ahayd ee uu afurka u sameeyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa Afurka ka dib jeediyay khudbad dheer u jeediyey oo khuseeyay Muslimiinta ku nool dalkaasi kenya taas oo uu kaga hadlayey sidii ay wax u la qabsan lahaayeen dadka kale ee aan iyagu muslimka ahayn ee uu wadanku ka dhexeeyo.
Muslimiinta Kenya oo dalka kenya ka mid ah dadyawga ugu saamaynta badan ayaa madaxwaynaha waxa horyaala balanqaado farabadan oo uu u balanqaaday dadka reer kenya gaar ahaan muslimiinta taas oo ay wali ka sugayaan muslimiinta kenya.
Wajaale Desk News

Hargeysa OFFice

Exit mobile version