WAJAALE NEWS

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo sida Fiinta uga qayliyay Mudaharaad ay ku baaqeen Golaha Madaxa Bannaan ee Wada tashiga iyo Toosinta Qaranka oo dhawaan Siyaasiyiin Magac lihi ay ku dhawaaqeen

“Mudaharaad waxa la abaabulaa marka la ismari waayo ee talladu car iyo car gaadho, laakiin raggani waa dad aannu wadatashan karno” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye  Muuse biixi oo Mudaharaadkaasi sida fiinta uga qayliyay

Hargeysa (Wajaale News)- Guddoomiyaha Xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa saluug ka muujiyey qaabkii siyaasiyiinta ku midoobay Golaha loogu magac darray Golaha wada tashiga iyo toosinta qaranka u soo bandhigeen tabashadooda, isagoo xusay inay habboonayd si toos ah inay xukuumadda ama madaxda dalka ugu gudbiyaan wixii tallo iyo toosin ay hayeen. Guddoomiyuhu isaga oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi: “Horta inay wax dhaliilaan, toosiyaan ama arrimaha siyaasadda ka hadlaan waa waajibaad ay iska leeyihiin xisbiyada mucaaradka oo ay hawshooda tahay. Raggan maalinta dhawayd hadlay waa odayaashii waaweynaa ee dalka u soo halgamay, tallo way soo jeedin karaan, tilmaana way bixin karaan, arrimaha dalkana way ka hadli karaan, laakiin waxa habboonayd in la isu yimaado oo sidii isku arki jiray xafiis ama meel kale oo intaa ay ka sheegeen warbaahinta toos u sheegaan, haddii laga dhegaysan waayo ama waxa ay sheegeen wax laga sixi waayo markaasay xaq u lahaayeen dhawaaqa dheer,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo xalay waramayay Telefishanka qaranka.

Waxa kale oo uu xusay in siyaasiyiinta samaystay golahaasi ay aqoon fiican isku leeyihiin isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo, sidaasi darteedna aanay qurux badnayd inay warbaahinta ay isku mariyaan hadallo naxdin iyo niyad-jab ku abuuraya shacabka.

Waana kan Guddoomiye Muuse oo arintaasi ka hadlaya  “Annagu waxaannu qabnaa KULMIYE intii uu joogay barmaamujkii uu dalka u ballanqaaday in badan ayuu kafeeyey oo shacabku u markhaati yihiin. Raggaasi, aniga iyo Madaxweynuhu afartankii sanno ee u dambeeyey dad nolosha sidaa isugu marnaa ayaanu ahayn, halgan soo wada galay, si walba isu garanaya.

Waxay ila tahay odayaashaa taladooda waa la qaadan, waa la isu iman oo waa la is toosin si wadajir ahna waxbaa loo qaban, weliba waa la tixgelin doonaa, laakiin annagu xataa haddii khaldameen warbaahinta ku dhaleecayn mayno, iyagana waxaannu kula talinaynaa ma nihin raggii ku wadahadli lahaa saxaafadda ee waxaynu nahay raggii dalka wax u wada qaban lahaa, waxa la inaga filayaa dadku waxaannu ka nixin, waayo ummaddu markay aragto odayaashayadaa waawayn oo is tuurtuurayna waa naxdin iyo niyad-jab oo waxba hagaagimaayaan, markaa waxaan leeyahay waxa fiican innagoo sida toosan u wadahadalna.”

Ugu dambayntii Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu ballanqaaday inay wadashatan doonaan iyaga iyo  siyaasiyiinta golaha watashiga  Qaranku  “Mudaharaad waxa la abaabulaa marka la ismari waayo ee talladu car iyo car gaadho, laakiin raggani waa dad aannu wadatashan karno oo haddii ay iyagu imanwaayaan annaga ayaa u tagayna oo odhanayna maxaa dhacay, maxaad tabanaysaan, sidaynu wax u dhamaysanaa?”

Wajaale News Desk

Hargeysa /  Somaliland

Exit mobile version