WAJAALE NEWS

DULMI-NECEB: Maanso Cusub oo uu Sammeeyey Abwaanka Da’da yar ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame)

Hargeysa (Wajaale News)-  Maansadani waa Maanso Cusub oo uu Sammeeyey Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) waana tan ee Dhammaantiin Akhris Wanaagsan:

Maansooy dareeneey

Dacar iyo ladh oogmaay

Inkastoon dakana iyo

Dibindaabyo kugu qabo

Marna la igu kaa duro

Ragna iigu kaa dudo

Kuma dayrin karayoo

Duunyaabad ii tee

Ii darar bal gaaxdii

Rabi iigu kaa dara.

 

Labaan la isu dari Karin

Degel ruuxa wada furay

Dannigiisu muu garan

Inay kala dibboodaan

Weheshiga dirsoociyo

Qarannimo dan mida lihi

 

In qabyaaladii dura

Saddexdii dalaaqood

Lagu siiyo duuduub

Waynagii dorraaduun

Qallinada ku duugnaye

Sawtan doonnan ee weli

Xisbiyada dumaashii

Dunta loogu wada xidhay

Geedigii diyaarkii

Dib maxaa u soo furay

Buladkiyo dabayshii

Iyo lama-degaankii?

 

 

Doorashooyinkeenii

Dubaaxdoodu yaab lee

Hungo lagu dar leefiyo

Hibashiyo ka sii daran

Noqotaye xaggay deri

Dawakhnaye ka leedahay.

 

Dimuqraadinimadii

Dihataye hadday tahay

Doqonkani fariidka ah

Dirataye ha ii dudin

Dacartani macaanka ah

Dalbataye dibnaa saar

Durduradan harraadka ah

Dul degtaye ku oon beel

Digo-rogashadeenaa

Sahan li’ dullaantoo

Wanqalkeedu dalabiyo

Dudmo uun ku koobnaa.

 

Maxaad doontay ee dana

Maxaad diiday ee daran

Maxaad door-bidee mudan

Maxaad deyrisee hadhay

Go,aan duunka weeyee,

Horta daacad maad tahay.

 

ninka doortay wadarnimo,
nin ka daaley weheshiga,
dan midaysa lama helo,
shir doceed nin lagu dhalay,
shir dugaalka uma bogo,
ab-tirsiinta dalabta leh,
axdi duuga kuma ogi,
qaran daacad laga jiro,
nolol doora kama sugo.

dhidar doori lagu yidhi,
dabcigaaga bahalnimo,
hadalkaasi kama dego,
dad shirqoolka lagu wado,
dannigoodu jecel yahay
digtoonowdu lama sama,

gudin daabku maqan yahay
damal raagay kuma jabo,
dhirta diirta lagu dhaqay,
midhaheedu damac ma leh,
didmo xaajo lagu galay,
dawo ruuxna kama helo.

qof dalaaqay garashada,
dubbihiisu kama tago,
inta aan la duri karin,
nin duruufta noloshaba,
doobigiisa ku sar jaray,
deris baahan kama naxo.

 

Danyartiyo saboolkii

Deyntii ma siiseen

Mise duunyadoodii

Weli way dawarayaan? .

 

Miyuu yimi damiirkii

Duday ee maqnaan jiray

Saw weli dalluuntii

Dadnimadu ma hoos taal ?

 

Dulmigii miyuu furay

Daacadii u mehersaday

Saw weli daryeelkii

Daranyada ma tuugsado?

 

Damacii miyuu nacay

Daribtii agoomaha

Dibjirkii gidaarada

Saw weli ma daadsana ?

 

Hankiinii miyuu duray

Dulligii u qaayibay

Saw weli duqaydii

Dufankii ma raadshaan ?

 

Xaqsoorkii ma deyraa

Mooradiisu duugnayd

Saw weli dillaalkii

Dulmanaha  ma dala’sado?

 

Ma shalay dullaameen

Ma xalay dayoobeen

Saakana ma diifbaa

Ma dulmay ku noolyiin

Sidii loo dulleeyaa

Weli loo dul yaallaa

 

Golayaashii dabatadu

Xeerar aan la deyinoo

Duuduub ku dhaafaa

Waa dabeecadoodee

Ka daree ma maantay

Dacartiyo dhunkaashii

Darsadeen wadaamaha?

 

Damiirlaawayaashii

Ma maantay ku doodeen

Marka aan ka daadago

Xilka duudka ii sudhan

Danyartaan ka baaqsaday

Doorkay filaayeen

Deyr-cadkooda weyda ah

Aan ka sii dareersado.

 

Waxay nooga digayeen

Saw kuwan ku daakiray

Xaaraantii duufkii

Goormaa daliilkani

Xalaaleeyey soo degay

Kabo-qaad digreetiyo

Lagu keenay daadihin

Ma anaa dadweynaha

Duunyadooda hoo idhi

 

 Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

Exit mobile version