WAJAALE NEWS

Dawlada Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta Oo Dhaqaale Ku Taageerey Xukuumada Cusub ee Masar

Dawlada Sucuudiga iyo Imaaraadka carabta Oo Dhaqaale Ku Taageerey Xukuumada Cusub ee Masar

 

Deeqdan ayaa u muuqata mid lagu dhiiri gelinayo afgambigii lagu sameeyey Maxamed Morsi, Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ah labo wadan oo si weyn walaac uga qabay awooda sii koreysa ee Akhwaan ………..

Hargeysa(waj) Dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa shalay sheegay inay dhaqaale badan ugu deeqayaan dowlada cusub ee dalka Masar, kadib markii inqilaab xilka looga tuuray Madaxweyne Maxamed Morsi.
Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Imaaraadka Carabta oo shalay booqasho ku yimid magaalada Qaahira ayaa sheegay in 3 Bilyan oo dollar oo dayn ah siin doonaan dowlada cusub ee Masar, halka Boqortooyada Sucuudiga ay sheegtay inay 5 bilyan oo dhaqaale ah ugu deeqi doonaan dalka Masar.
Deeqdan ayaa u muuqata mid lagu dhiiri gelinayo afgambigii lagu sameeyey Maxamed Morsi, Sucuudiga iyo Imaaraadka ayaa ah labo wadan oo si weyn walaac uga qabay awooda sii koreysa ee Akhwaan Muslimiinka oo ay horey ugu eedeeyeen inay dhaq dhaqaaq sidoo kale ka wadaa gudaha wadamadaasi.
Dalalka Khaliijka ee tilaabadan qaaday ayaa sidoo kale la filayaa inay ku doonayaan inay ku wiiqiyaan awooda sii koreysay ee dalalka Qatar iyo Turkiga ku lahaayeen wadamada Carabta, labadaasi dal oo kamid ahaa kuwii sida weyn u taageeri jiray xukumadii Maxamed Morsi.
Tan iyo intuu bilowday kacdoonka Carabta ayaa waxaa jiray loola gaar ah oo u dhaxeeya wadamada Qatar iyo Sucuudiga, waxaana hada muuqata inuu Sucuudiga dar dar geliyey inuu dib usoo ceshto awoodii uu ku dhex lahaa dalalka Carabta, dalka Sucuudiga ayaa sidoo kale hada xubno muhiim ah ku dhex daray hogaanka mucaaridka Siiriya oo iyagu taageero dhaqaale horey uga heli jiray wadanka Qatar. 
Wajaale  Desk News 
Wajaale  OFFice

Exit mobile version