WAJAALE NEWS

Cali Warancade oo Dib u Furay Mafrishkiisii Hargeysa isla markaana la soo noqonaya Libaaxyadiisii

Hargeysa (Wajaale News)-Siyaasiga Cali Warancade oo ka hore uga mid ahaa wasiiradii ugu cadcadaa ee xusbigii UDUB ayaa intii ka danbeysay magacaabidiisii wasiirnimo ee xukuumada Kulmiye waxa uu dib u bilaabay dhaqdhqaaq siyaasadeed oo uu hore caan ugu ahaa magaalada Hargeysa.

Cali Warancade oo xiliyo kala duwan soo ahaa masuul ka tirsanaa xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland ayaa Hargeysa ku lahaa Mafrish caana oo taageereyaashiisu warka ku kala qaataan.

Sidoo kale Waxa uu Cali Warancade caan ku ahaa rabeynta Libaaxyada oo uu dhawr ku heystay aqalkiisa mudooyin kala danbeeyay.

Siyaasi Cali Warancade ayaa kolkii xukuumadii UDUB lagala wareegay waxa uu si deg deg ah u xidhay Mafrishkiisii Hargeysa.

Sidoo kalena waxa uu Libaaxyadii uu heysan jiray hadiyado u kala siiyay rag uu ku tuhmayay Hanti ay ku xanaaneeyaan.

Taageereyaasha Cali Warancade oo ay ka mid yihiin Qurbejoog ayaa haatan la arkayaa iyaga oo magaalada Hargeysa isku urursanaya.

Waxa kale oo la soo tebiyay in Wasiirka arimaha Gudaha ee Somaliland uu haatan dedaal ugu jiro sidii uu u soo ceshan lahaa Libaaxyadiisii.

Kolkii Warancade uu Libaaxyadiisii hibeeyay ayaa dad badani isweydiiyeen sababta uu degdega ugu bixiyay Libaaxyada iyo halka uu ka keeni jiray hantidii uu ku quudin jiray.

Si kastaba ha ahaatee Cali warancade waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta Somaliland ee mudada dheer ka dhexmuuqday masraxa siyaasadeed.

Office: Hargaisa /Somaliland

Wajaale News

Exit mobile version