WAJAALE NEWS

Xasan Ciise oo Madaxweyne Siilaanyo ku Eedeeyay inuu ka baxay Heshiiskii ay dhawaan wada dhigteen

Hargeysa (Wajaale News)- Guddoomiyaha Ururkii Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac ayaa soo saaray Digreeto uu ku cadaynayo in Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddiisu ay baxeen wadahadaladii ay la lahaayeen Ururka Xaq-soor, isagoo ku Eedeeyay magacaabista uu magacaabay Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsan Ururkiisa. Warsaxaafadeedka uu soo saaray Mujaahid Xasan Ciise Jaamac waxa uu u qornaa sidan:

WARSAXAAFADEED

Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay  dhinacii xukumada.

Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa  ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada.  Iyada aanay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.   Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada.   Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.

Gudoomiyaha  ururka Xaqsoor

Xasan Ciise Jaamac

 

Exit mobile version