WAJAALE NEWS

Mudanayaasha Golaha Wakiilada SL ayaa Maanta dib u dhigay ansixinta Xeerka Booliiska SL oo ay Maanta u balansanaayeen.

Dood adag ka dib Mudanayaashu waxay u balameen in Kalfadhigooda kan xiga ee 22aad ay ku ansixiyaan Xeerkan Booliiska Somaliland.Golaha-wakiiladda3

 

 

 

 

Hargeysa (Wajaale News)-  Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee Maanta  oo uu shir guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) ayaa Mudanayaashu ay Dood adag ka yeesheen Xeerka Booliiska Somaliland, iyaga oo Xildhibaanada qaarkood Dood ka keenay dhamaystirka Xeerkaasi  oo ay Tilmaameen inay Qabyo ka Muuqato, loona  baahan yahay in Kalfadhiga danbe uu  Goluhu sii ambo qaado ansixintiisa. Fadhiga Maanta oo ahaa kii ugu dambeeyey Kalfadhigii 21 aad ayaa Mudanayaashu iskula qaateen in Dib loo dhigo Xeerka Booliska oo loo balansanaa in maanta Meel mariyo.

Xildhibaanadii fikirkooda ka dhiibtay Fadhigii Maanta  ayaa Sheegay in Xeerkan ay ka Maqan yihiin waxyaabo badan oo la rabo inuu ka jawaabo kuwaasi oo ay ka Mid yihiin inaanay ku Qornayn waxyaabaha  lagu xulanayo marka la qaadanayo saraakiisha ciidanka, sida heerka Aqooneed ee loo baahan yahay.

Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu  C/raxmaan Ciro ayaa ka dalbaday Mudanayaasha,  inay kala doortaan: in Xeerka Maanta loo Codeeyo iyo in dib loogu dhigo Kalfadhiga dambe, isla markaana ay iskugu soo noqdaan markay fasaxa ka soo laabtaan. Waxaanay Xildhibaanadii Goluhu ay isku raaceen in Xeerkan ansixintiisa laga dhigo Kalfadhigooda 22aad si Xeerkan loo mariyo Akhriskii Sadexaad ee uu u baahan yahay.

Wajaale News Desk

Hargeysa/Somaliland.

Exit mobile version