WAJAALE NEWS

Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bilowday dhagaysiga Dacwadii Xukuumaddu Wargeyska Hubaal ku soo Eedaysay

(Wajaalenews.com) Monday, June 24, 2013
Guda galka Dacwadan ee manta ayaa cadaynaysa in Xayiraada la saaray wargeysku tahay mid lagu deg degay maadaama manta uun la dhagaystay,

Hargeysa(wajaalenews.com) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa manta markii ugu horaysay dhagaysatay Dacwad ay Xukuumadda Somaliland ku soo Oogtay Wargeyska Hubaal, iyadoo dhagaysiga Dacwadan ay goob joog ahaayeen oo kali ah Qareenada Wargeyska Difaacaya iyo Xeer ilaalinta Dacwada Oogaysa.

Fadhiga ay manta Maxkamaddu ka yeelatay Dacwadan oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu Garsooraha Kiiska ku qorani dhagaystay tan iyo maalintii Xeer ilaalintu ka dalbatay Xayiraada Wargeyskaasi saaran ayaa lagu dhagaystay Eeda Xeer ilaalintu ku Oogayso wargeyska, iyagoo Qareenada Wargeyska u doodayaa difaaceen dhamaan Eedaymaha Xukuumadda oo ah sadex Eedaymood oo is barkan.

Garsooraha Dacawada gacanka ku haya Cismaan Fanax oo labada dhinacba dhagaystay ayaa fadhi danbe u qabtay dhagaysiga Dacwadan oo uu u mudeeyay 27-ka bishan, taasoo si rasmi ah dacwada loo guda geli doono.

Guda galka Dacwadan ee manta ayaa cadaynaysa in Xayiraada la saaray wargeysku tahay mid lagu deg degay maadaama manta uun la dhagaystay, taasina ay muujinayso in dalabkii xukuumadda ee Xayiraada iyo aqbalaadii Garsoorku labaduba yihiin kuwo la midi roorteeyay oo ay ahayd sida sharcigu dhigayo in dhagaysiga kadib go?aan Maxkamadeed lagu rido wargeyska nooca uu doono ha noqdee.

Si kasta ha ahaatee Garsoorka Somaliland waxa looga fadhiyaa Dacwadaasi in uu si cadaalad ah u qaado, isla markaana mudada dhagaysigu socdo ka madax banaanaado faragalin.

wajaalenews.com

Hargeisa Somaliland

Exit mobile version