WAJAALE NEWS

Jamaal Cali Huseen oo aad uga hadlay xadgudubka xukuumadu kula hadashay Wargeyska hubaal


Hubaal iyo Hagardaamooyinka jira
W/Q. Jamaal Cali Xuseen



Xikmad ayaa jirtay ka soo maaxday nin Carab ah oo ahaa dadka aragtida dheer lahaa ee noolaa xilligii casri jaahiligga ee aanay diinta Islaamku soo gaadhin wadammada

Carabta. Ninkani wuxuu ka tegay xikmad kooban laakiin wadata miisaan culus ilaa haddana nolos ha aynu ku dabaqi karno oo aynu maalin walba aragno. Haddaba ninkaasi wuxuu yidhi:

Khataraha jira ee uu qofku iska ilaaliyo ee uu ninkaasi tilmaamay oo dhowr ahaa ayaan ka soo qaadanayaa labadda ugu muhiimsan ee la xidhiidha qoraalkaygan maanta maadaama ay saxaafad da khusayso. Haddaba ninkaasi xikmaawiga ahaa ayaa yidhi labadan shayba weligaa iska ilaalli:

1. Qofka wanaagsan haddaad intaad ku gardarootid oo aad la dagaalantid, isaguna wuu iska kaa celinayaa oo dadkuna way soo raacayaane weligaa ruux wanaagsan ha bahdilin oo ha ku gardaroon. Maalin ay noqotaba wuu kaa aarsanayaa ee khatar iyo godob meel kuu taalla weligaa ha sameynin ayuu yidhi ninkani. Aniguna waxaaban ugu sii daray haddii aanu Ilaahayba kaaga soo horeynin oo aanu u aar gudin qofkaa aad ku gardarootay oo iyaddan ta Ilaahay xisbaata ku darso.

2. Waxa kale oo yidhi ninkani: Doqonka weligaa ha amaanin run buu moodayaaye. Taasina waa khatar ku iman karta bulshadda iyo adigaba.

Haddaba labadaasi qodob ee halkan ku qorani waxay salka ku hayaan xaaladda maanta ka taag an Somaliland saxaafadeedda. Saxaafaddii madaxa banaaneeyd ee Somaliland lagu majeeran jira y ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Middi waa Hubaal iyo dirkeedda oo mayal adag oo guntiga dhiisha isaga dhigay diidayna in ay dalka mawqifkiisa iyo guul wadayn ta diidaan. Middina waa mid jeebka lagu shubtay oo gawskoodda dhaafsadday dhex-dhexaadni maddii lagu yaqaanay saxaafadda maddaxa banaan oo u nuglaadday cago jugleeyntii ay xukuum adda Kulmiye ku haysay saxaafadda. Qaarna ay maal iyo hanti kale ku heleen guulwadayntii.

Kolay dadku way wadda ogsoon yihiin waxa dalka ka dhacaya kuwa is leh waxan aad sameeynaysaan waad ku liibaanaysaana waxaan leeyahay haddaanay ciddi idinku maqnayn been baa naftiina u sheegteene Ilaahay baa idinku maqan. Dadka aad hagardaameeyseen ka sokow; shicibka, mucaaradka iyo Ilaahayba wuu idinku maqan yahay ee laabta u sheega in aan marnaba waxan aad waddaan aanay sii socon doonin. Dad horaa waxan ku haligmay oo ay taariikhdu qortay. Haddalka badin maayee; xagee baa laga dheellaa in Hubaal inta askar dirayskii qaranka loo diro oo hagardaamo loo geysto haddana iyagii la xidho maadaama ay daabaceen maqaal af-Ingiriisi ah oo ka waramaayey dhaliilaha xukuumadda Kulmiye oo uu qoray nin Maraykan ahaa. Dalka miyaanay cadaaladdi jirin? siddee baa warageys madax banaan inta la soo weeraro haddana layskaga xidhaa miyaaney ahayn in wixii dacwad u qabaa Wargeyska inta maxkamadda la geeyo oo dacwadooda la dhegaysto ka dibna la xidho. Haddii kuwii sharciga daryeeli lahaa ay iyagii jebiyaan miyaaney ahayn mid laga jidhiidhicoodo. Shacabka waxaanu u sheegaynaa in arrinkani laga dhiidhiyo oo aan marnaba loo dul qaadan. Waxan maanta dalka ka dhacayaa waa markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale ay dalka ka dhacdo ee hoos halaysugu noqdo.

Saxaafadda kalena waxaan leeyahay sharaf iyo magac bulshaddiina kula dhex noolaadda Ilaahay mooyaane cid kalena ha ka baqina oo haw habranina oo daacadnimo ummadda ugu shaqeeya. Dadkaa geesi lagu yahay ee inta gawska dhaafsatay sharaftana ha u soo noqoto milgaha qofka bini aadamka ah taasaa in badan aad ku ceeshi doontaane maaha dan yar oo gaara oo madaxtooyadda kaaga xidhan inaad xadka u dhaaftaan.

Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye

Guri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii guraye

Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye – Tuducyo ka mida gabaygii Hadraawi ee Gudgude.

Waxaanan baaq u dirayaa in xukuumadda Kulmiye dib isu xisaabiso oo saxaafaddu noqoto mid madax banaan oo Hubaal milgaheedii loo soo celiyo, jawaabo deg-deg ahna laga keeno weerarkii ku dhacay xarunteedda magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo aan xukuumadda ugu baaqayaa in ay sii deyso dhamaan weriyayaasha u xidhan sida xaqdaradda ah ee lagaga aar goosanayo iyag oo fikradooda ka hadlaya. Weriyayaashaasi oo faro badan oo haatan xidhan. Dalku yaanu inaga noqon mid dadka hadlana la xidhayo, ka wax dilana la sii deynaayo. Ilaahay baa idin arkaaye xuk un caadila ummadda u horseeda Kulmiyoow intaad talladda haysaan oo intii xukuumaddi hore sameysay haynaga burburinina. Ilaahay baa mahad leh.

 


Jamaal Cali Xuseen

 

Exit mobile version