WAJAALE NEWS

Hay’adda Wadaniga Ah Ee GAVO iyo DRC Oo Munaasibad U Sameeyey 24 Arday Oo Dhammaystay Xirfadaha Gacanta

Hargeysa (Wajaale News)- Hay’adda wadaniga ah ee GAVO ayaa Munaasibad sagootin ah u samaysay 24 Arday oo Mudo lix bilood ah baranaayey Xirfado kala duwan, kuwaasoo loo raaciyey tuulalkii ay ku dabari lahaayeen shaqooyinka ay barteen.

Munaasibadan oo si bilan looga soo shaqeeyey ayaa lagu qabtay Hotel Shiraacle ee Caasimadda Hargaysa, waxaana ka soo qayb-galay Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre,Agaasimaha hay’adda wadaniga ah ee GAVO Axmed Cumar Xirsi (Ceerigaabo), Madaxa Xafiiska DRC Mr Martin, Madaxa xarunta tababarada ee GAVO Maxamed Cabdi Cawil, Macalimiin, Waalidiin, Ardayda aad u tiro badan iyo Marti sharaf kale.

Furitaankii Munaasibadda waxa hadal kooban ka jeediyey Madaxa xarunta tababbarada GAVO Maxamed Cabdi Cawil oo ka war-bixiyey mudadii uu Mashruucani soo socday, waxaanu tilmaamay in Mashruucani uu socday Lix bilood ah, isla markaana ay ka faa’iidaysteen 24 Arday oo 17 ka mid ahi Gabdho yihiiin, kuwaasoo baranaayey Cilaan saarka iyo Qurxinta Haweenka, halka ay 7 Wiil-na baranayeen laydhka amaba dab-gelinta Guryaha.

Maxamed Cabdi Cawil (Abu-walad), waxa kale oo uu sheegay in Arday kasta la siin doono Lacag gaadhaysa $500, taasoo loogu talo-galay inay Ardayda Xirfadaha dhammaystay ay ku samaystaan Meherado, iyadoo ay hadii hawshaas fulinayaana Hay’adda wadaniga ah ee GAVO ku caawin doono agab iyo dhaqaale intan ka badan, waxaanu sheegay in Waalidiintooda laga saxeexayo si ay ula ilaaliyaan dhaqaalahan yar ee lagu dhiiri-gelinayo Ardayga.

Agaasimaha hay’adda wadaniga ah ee GAVO Axmed Cumar Xirsi oo isaguna Madashaas ka hadlay ayaa sheegay in Ardaydani mudo lix bilood ah baranayeen Xirfado kala duwan, waxaanu sheegay in Mashaariicda ay fuliso Hay’adda wadaniga ah ee GAVO oo ah kuwo lagu dhiiri-gelinayo Dhalinyarada Somaliland, isla markaana lagu barayo Xirfado kala duwan oo ay Mustaqbalkooda ku dhisaan.

Agaasimuhu waxa uu sheegay in marka ay Ardaydu Xirfadaha dhammaystaan, kadib-na ay Shaqooyinka la raadiyaan, iyadoo ay Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawladdaba ay Shaqooyinka uga doonaan, halka qaar-na loo abuuro Meherado ay iyagu Maamushaan. Waxa kale uu Agaasimuhu sheegay in 24-ka Arday la guddoon-siin doono lacag gaadhaysa $500 dollar oo ay ugu talo-galeen in Meherado loogu furo.

Waxa isaguna Madashaas ka hadlay Ninka madaxa ka ah Xafiiska DRC ee Somaliland Mr.Martin Vane oo isaguna kamid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu kawarbixiyay mashruucan ay haya’dda DRC iyo GAVO iska kaashanayaan oo uu maalgaliyay Xafiiska midawga yurub u qaabilsan kaalmada baniaadanimo iyo dhawrista xuquuqda baniadamka,.

iyo doorka uu ku leeyahay kobcinta iyo koruqaadka dhaqaalaha iyo shaqo abuurka Somaliland, isaga oo sheegay Mashruucani inaanu ku koobnayn 24 kan dhalinyarada ah oo kaliya balse uu qayb ka yahay hawlaha kala duwan ee mashruucani ka koobnaa gaar ahaan kuwa dhaqaala kabka ku aaddanaa oo ay ka mid ahaayeen tababarro ku saabsan sida ganacsiga loo maareeyo iyo deeq lacageed oo ay ka faaiidaysteen 502 xubnood oo ah haween ka kala socday xaafadaha barakacayaashu deggen yihiin ee magaalada Hargeisa kuwaasoo ka shaysta ganacsiyada yar yare ee kala duwan iyo kuwo xirfadahooda kula soo baxa nolol maalmeedkooda sidoo kale waxa kaalmo sidaas oo kale ah la siiyey 80 xubnood oo ka tirsan haweenka loo gaysto dacatiyada ka dhanka ah xuquuqda baniaadamka. Waxa kale oo mashruucan ka faaiidaystay 190 qof oo ka mid ah reer guuraaga soo caydhoobay ee degmada caynabo kuwaas oo loo sameeyay shaqo abuur muddo afar bilood ah iyagoo ka hawlgalay hawlaha dadweyne sida waddooyin samayn, balliyo qodis, xakamaynta nabaad-guurka iwm.Kuwaas oo muddodaas afarta bilood ah qaadanayaey lacag naqdi ah oo mushahar ah. Waxa iyana qayb ka ah mashruucan 2091 ka faaiidaystayaal ah oo shaqooyin muruqmaalnimo lagu siinayey raashin muddo afar bilood ah kuwaas oo iyana ka mid ahaa dadka caydha ah ee degmada ceelafweyn ee gobolka Sanaag .

Mashruucan waxa ujeedooyinkiisa ahayd sidii loogu bulshada danyarta ah abuuri lahaa shaqooyin kala duwan si kor loogu qaado nolosha aasaasiga ah ee qoysaskooda.Kaalmadan waxa looga danleeyahay sidii looga qayb qaadan lahaa dadaallada loogu jiro sidii loo yarayn lahaa shaqo la’aanta iyo saboolnimada. Maamuluhu wuxu hadalkiisii ku soo gabgabeeyey isagoo ku dardaaray ardaydii dhamaystiratay tababarka in aanay ka hadhin waddadaa aqooneed ee ay barteen balse ay ka midho dhaliyaan.

Ugu dambayntii Munaasibaaas sagootinta ah ayaa waxa 24-ka Arday ee dhammaystay Xirfadaha kala duwan, ayaa waxa Shahaadooyinka guddoon-siiyey Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad).

Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad), ayaa waxa uu Mahad-naq balaadhan u soo jeediyey Hay’adda wadaniga ah ee GAVO oo iyadu markasta isku hawsha sidii ay Xirfadaha kala duwan u bari lahayd dhalinyarada reer Somaliland, kuwaasoo uu Wasiirku sheegay inay Kaalin muhiima ugu jiraan Qaranka Somaliland, waxaanu yidhi “Hay’adda wadaniga ah ee GAVO waan ku bogaadinayaa hawsha fiican ee ay hayaan, waxaanay ku jiraan Kaalin aad u muhiima. Runtii saaka (Maanta), waxaan doonaayey inaan tago Dood cilmiyeed lagu qabanaayey Jaamacadda Hargaysa, balse waxaan jeclaystay inaan arko 24 Arday ee dhammaystay Xirfadaha kala duwan oo 17 ka mid ahi ay Gabdho yihiin aad iyo aad ayaan ugu farxay waanan ku bogaadinayaa dedaalkaas ay la yimaadeen. Illaahay waxaan ka baryayaa inay noqdaan kuwo ku faa’iida Xirfadaha ay barteen GAVO-na Ajar iyo Xasaanaad ayey ka helaysaa.” Ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre.

Wasiirka oo Guddoomiye u ah Guddi toddoba Xubnood ah oo uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), u Magacaabay ka hortaga Tahriibka iyo Shaqo abuurka, ayaa waxa uu daboolka ka qaaday inay Xukuumad ahaan abuurayaan Dugsiyo lagu barto farsamooyinka kala duwan, waxaanu yidhi “Xukuumaddu waxa ay wadaa Qorshe cusub oo lagu hir-gelinayo Dugsiyo lagu barto Xirfadaha kala duwan. Waxaanu rajaynaynaa inay Farsamooyinkaasi ka qayb-qaataan Shaqo abuurka dhalinyarada, balse waxaan aaminsanahay inaanay dalkeena jirin Shaqo la’aan sidaas u baaxad weyni, waxaad ogtihiin in Maalinkasta Hargaysa waxa Qaadka iibsanayaa waa Dhalinyaro ugu yaraan $10 iyo wax ka sii badan.” Ayuu yidhi Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Soomaalidu waxa ay ku Maahmaahdaa Ooridaadu habadaada hakuu dhigto, hadalkaagana ha ma-qasho, waxa loola jeeddaa hadii Maanta Xaaskaagu Waslad fiican kuu kariso oo aad Cunto badhka aad ka tagto waa inay Caawa casho kaaga dhigtaa, taasi Ceeb maaha, laakiin waxa loola jeedaa dhaqaale ahaan ayey kab fiican noqonaysaa. Hadaad eegto adduunka waxa la Cunaa Cuntada toddobaad ku jirtay Qaboojiyaha, laakiin soomaalidu Maanta markay qadayso ayey waxa soo hadha Guryaha ku hor daadinayaan, markaa waxa loo baahan yahay in aynu isku tashano oo qof weliba waxa uu haysto uu fahmaa. Tusaale yar ayaan idin siinayaa Jaamacadda Camuud waxa jooga Wiil yar oo Baalashle ah, wiilkaas yar waxa uu gaadhay heer uu Gaadhi nooca NOHA loo yaqaano uu iibsado oo qofka suuqa ku habsaama uu soo qaado inuu lacag yar ka qaado, hadii aad jaamcadda joogto aad suuqa wax uga baahato isagaa ku qaadaaya dabadeed lacag ayaad siinaysaa, markaa Wiilkaas yar itaalkiisu waa Baalashle, laakiin Maskax wanaagsan ayuu isticmaalay dabadeed kobac dhaqaale ayuu sameeyey.” Ayuu yidhi Maxamuud Axmed Barre (Garaad)

Wajaale News Desk

Hargeysa / Somaliland

 

Exit mobile version