WAJAALE NEWS

Kenya oo sheegtay in ay diyaar u tahay iska difaaca al-shabab.

 

Nairobi (WJN)-Wasiirka gaashaandhiga dalka kenya Raychelle Omamo  ayaa sheegtay in kenya ay diyaar u tahay in ay iska difaacdo cid kasta oo ku soo gardoroota oo ay kamid yihiin xarakada Al-shabaab.

Wasiirka Gaashan dhiga Kenya ayaa sheegtay in militeraga dalka kenya ay si dhow isha ugu hayaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab ee Soomaaliya.

Ms Omamo oo ka hadlaysay  Xaflad lagu maamusayay maalinta  calaamiga ah ee ciidamada nabad ilaalinta Q.M ayaa ciidamada Kenya ku  amaantay sida wanaagsan ee shaqadooda uga  gutaan goobaha nabad ilaalinta loogu diro .

Waxaa ay sheegtay in ciidamo nabad Ilaalin oo kenya  ka socda ay iminka ku suganyihiin  Congo,Leberia ,Sudan Soomaaliya iyo koonfurta Suudaan.

Wasiirka gaashan dhiga dalkasi kenya  Raychelle Omamo ayaa Carabka ku adkeeyaysay  in kenya ay diyaar u tahay in ay  qayb qaadato howlgalada nabada ilaalinta  Q.M Marka loo Baahdo

 

 

wajaalenews.net

by eng.salah abdaleh

Exit mobile version