WAJAALE NEWS

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Oo Ka Dambeeyay Weerarkii Askariga Ilaalada Gudoomiyaha Guurtidu Gacanta Kaga Jabiyay Xildhibaan Cabdicasiis Booshcade

Hargeysa (WJN) sida ilo u dhuun daloola gudoomiyaha golaha guurtida somaliland mudane saleebaan gaal u sheegeen DJiboutiNation.com   gudoomiyaha golaha guurtida somaliland ayaa ka dambeeyay weerarkii askariga ilaalada u ah gudoomiyaha guurtidu gacanta kaga jabiyay xildhibaan cabdicasiis booshcade oo ka tirsan xildhibaanada golaha guurtida somaliland

xildhibaan cabdicasiis booshcade ayaa kamid ah xildhibaanadda si aadka ah u dhaleeceeya hab maamulka gudoomiyaha guurtida isagoo tiraba dhawr jeer u xildhibaan cabdicasiis u soo jeediyaygudoomiyaha guurtida inuu xilka iska casilo isagoo ku dhaliilayay inuu gabay hawlihii qaranku u igmaday

arrintan uu ku talaabsaday gudoomiyaha guurtidu ayaa noqonaysa mid ugub ku ah habdhaqanka maamulada xilka qaran ka haya dalka, gudoomiyaha guurtida lagama filanayn inuu ku kaco habdhaqan noocan ah isagoo aanu oganahay inuu yahay odaygii qaranka balse waxaad moodaa in gudoomiyuhu baryahan aanu sidiisii hore iyo odayntinimadii aanu lahayn sidaas waxa yidhi mid kamid shacabka ku dhaqan magaaldda hargeysa oo magciisa inuu sheego ka gaabsaday isagoo la soo xidhiidhay shabakadda DJiboutiNation.com

 

xildhibaan cabdi casiis oo warbaahinta u waramayay ayaa sheegay in askarigu doonayay inuu dilo isagoo xildhibaanku sheegay inuu askarigu rabay in madaxa uu budka kala  dhaco balse nasiib wanaag aanu madaxii igala helin, sidoo kale xildhibaan cabdicasiis ayaa sheegay in isaga iyo askariga aanay wax dhibaato ahi dhex oolin balse askarigu cid dabada ku hayo

Wajaalenews.net

by Eng.Salah Abdaleh

Exit mobile version