Berbera (W,N) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Eng. Cabdirisaaq Axmed Gaas iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa Maanta safar shaqo ku tagay Magaalada Berbera.
Agaasimaha guud oo ay weheliyaan Agaasimeyaasha waaxaha qorshaynta iyo Badbaadada Beeraha, ayaa la kulmay Badhasaab ku-xigeenka gobolka Saaxil iyo Maareeyaha Dekedaha JSL.
Ujeeddada Weftiga Agaasimaha guud ee gobolka Saaxil, ayaa ah in Wasaaradda Beeruhu ay Dekedda Berbera ku yeelato Xafiis lagu hubiyo ama baadho Siidhadhka dalka dibeddiisa ka yimaadda, arrintaas oo ay ka wada-hadleen Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi.
Kulamada Weftigu la yeeshay Badhasaab ku-xigeenka Saaxil iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland waxa isaguna ku sugnaa Isku-duwaha Wasaaradda Beeraha ee gobolka Saaxil.