WAJAALE NEWS

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐Š๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐ž๐ž๐ง๐ค๐š ๐‰๐’๐‹ ๐’๐จ๐จ ๐Š๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ซ๐ฌ๐š๐๐š ๐Œ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐ž๐ซ๐›๐ž๐ซ๐š.

BERBERA(W,N)-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo maalintii labaad ku sugan Gobolka Saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera ,ayaa maanta kormeer hawleeda ku soo maray Dekedda Caalamiga ah ee Berbera, oo run ahaantii ku tallabsatay horrumar ballaadhan.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa soo indho indheeyey mashaariic-da waaweyn ee ay shirkadda Dekedda gacanta ku haysa ee DP World ay ka hirgelisay gudaha Dekedda iyo qalab casri ah oo ay keentay isaga oo war-bixin ka dhegaystay maamulka Dekadda, kuwaasi oo ku dheeraaday horrumarka wax ku oolka ah ee ay ku tallaabsatay Marsadda Caalamiga ah ee Berbera.

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa ka war-bixiyey wixii uu halkaasi ku soo arkay, waxana uu yidhi:

โ€œDekadda Berbera waa wadnaha Somaliland, waa Marso Qaranka kaalin weyn ugu jirta, waxana ka socda horrumar ballaadhan. Ka Xukuumad ahaan waxa naga goโ€™an in aanu sii ballaadhino Marsadda Berbera oo mustaqbalka dhaw noqon doonta mid geeska afrika u adeegta.โ€

Madaxweyne Ku-xigeenka JSL ayaa uga mahad-naqay Bulshadda Gobolka Saaxil sidii meeqaamka saraysay ee ay u maamuuseen una soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, waxana uu yidhi:

โ€Shacabka Gobolka Saaxil waxa aan uga mahad naqayaa soo dhawayntii maalintii shalay ay noo sameeyeen waxa aan leeyahay waad mahadsan tihiinโ€.

Ugu Dambeyntii Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ayaa mudnaan gaar ah siinaysa horrumarinta Magaaladaย  dhaqaalaha dalka ee Berbera.

๐€๐‹๐‹๐€๐€ ๐Œ๐€๐‡๐€๐ƒ ๐‹๐„๐‡,

Exit mobile version