Wargeyska caanka ah ee The New York Times ee ka soo baxa cariga Maraykanka, ayaa weriyey in saraakiil sare sare oo ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladda Maraykanku ay soo jeediyeen in albaabada la isugu dhufto Safaaradda uu Maraykanku ku leeyahay Magaalada Muqdisho.
Warbixintan oo ay soo xigatay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa saraakiishani waxay ku taliyeen in magaalada Muqdisho laga soo saaro shaqaalaha iyo dadka kale ee Maraykanka ah ee halkaas ku sugan, iyada oo ammaankooda laga taxadirayo.
Xubnahan ayaa ku dooday in guulaha ay Kooxda Al-Shab…. ka sameeyeen deegaanno ka mid ah Somalia ay keenayso walaac dhab ah, oo aan idhaha laga lalin karin.
Diblamaasiyiintan ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka waxay si cad u sheegeen in Soomaaliya ay qaadayso dhabbihii Afgaanistaan, taas darteedna ay Maraykanka waajib ku tahay inuu xaaladdaas wax ka qabto, waxaa kale oo ay intaas dareen in dawladda Soomaaliya ay iska indho tirtay digniinihii uu Maraykanku ka soo saaray weeraradii bishii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Wargeyska caanka ah ee The New York Times wuxuu intaas ku ladhay in xogta xaaladaha Soomaaliya ka jira lala wadaagay Madaxweyne Donald Trump.