WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Qasriga Madaxtooyada Casho sharaf Ugu sameeay Bahda Hal Abuurka Somaliland Iyo Nuxurka Khudbada Uu Ujeediyay!

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa kulan casho sharaf ah Habeenkii xalay Qasriga Madaxtooyada kula qaatay Abwaannada, Fannaaniinta, iyo qaybaha kala duwan ee bahda dhaqanka reer Somaliland.

Kulankan casho sharafta ah oo ka mid ah kulammo is daba joog ah oo uu Madaxweynuhu hore ula qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ujeeddadiisu ahayd mahadnaq uu Madaxweynuhu ugaga mahad naqayey kaalinta muhiimka ah ee ay bahda dhaqanku ku leeyihiin wacyi-gelinta , hagista, ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka bulshada, iyo wadajirka iyo midnimada ummadda Somaliland.

Exit mobile version