DUBAI(W,N)-Madaxweynaha JSL, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi – Cabdiraxmaan-cirro, waxa uu taabtay qaxoontiga Falastiiniyiinta, kadib hadalo loo nisbeeyey Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ku saabsan suurtogalnimada in Somaliland qaabisho qaxootiga marinka Gaza.
Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Maraykanku uu taageero siyaasadeed iyo mid milateriba siiyo Somaliland, isla markaana uu dalkiisu doonayo inuu xoojiyo xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee uu la leeyahay Washington. Hase yeeshee, waxa uu ku macneeyey in aanuu Somaliland weli kala tashan Maraykanku qaabilaadda Qaxoontiga Falastiiniyiinta, balse ay filayaan in arrintan lagala tashado ka hor inta aan go’aan laga gaadhin, waxa uuna intaa ku daray in dalkiisa uu taageersan yahay falastiiniyiinta, isla markaana uu taageerayo xuquuqdooda, isagoo ku nuux-nuuxsaday muhiimadda uu leeyahay wada-tashiga dublamaasiyadeed ka hor inta aan arrintaas laga qaadin wax tallaabo ah.
𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐨𝐰𝐪𝐢𝐟𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐚𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐐𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐅𝐚𝐥𝐚𝐬𝐭𝐢𝐢𝐧.
Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyay in Somaliland ay ka tirsan tahay wadamada Carabta, isagoo xusay in dalkiisu uu xidhiidh diblomaasiyadeed oo xoogan la leeyahay dhawr wadan oo Carbeed, isla markaana ay safaarado ku leeyahay qaar ka mid ah caasimadaha Carabta.
Waxa uu tilmaamay in Somaliland ay diyaar u tahay inay dalalka Carabta kala tashato arrimaha gobolka oo ay ka mid tahay arrinta qaxootiga Falastiin, si loo helo mawqif midaysan oo waafaqsan danaha Carabta.
Waxa uu intaa ku daray in dalkiisu uu doonayo in uu si firfircoon uu uga qayb qaato dedaallada Carabta ee kor loogu qaadayo iskaashiga iyo is-dhexgalka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dalalka Carabta si loo gaaro go’aanno istiraatijiyadeed oo cid walba dan u ah.
𝐌𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚, 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡.
Gebogebadii, waraysiga Madaxweyne JSL, Cabdiraxmaan Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay, isagoo ka faa’iidaysanaya horumarka dhinaca tignoolajiyada ah si JSL ay u gaadho horumar waara, isagoo xusay in dalkiisu uu bilaabay inuu horumarro la taaban karo ka gaadhay dhinaca tignoolajiyada casriga ah. Waxa kale uu Madaxweynuhu xusay in horumarkan dhinaca tiknoolajiyada ahi uu Somaliland ka caawin doono horumarinta dhaqaalaheeda iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, taas oo kor u qaadi doonta mawqifka ay ku leedahay caalamka.
Waxa kale oo uu si cad u sheegay in dalkiisu u furan yahay iskaashiga beesha caalamka si loo gaadho horumar iyo xasilooni, isaga oo carrrabka ku dhuftay in Somaliland ay sii wadi doonto la shaqaynta saaxiibadeeda gobolka iyo caalamkaba si loo xoojiyo dhaqaalaheeda iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐞𝐞 𝐖𝐀𝐃&𝐈𝐂 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐉𝐒𝐋