WAJAALE NEWS

Sharciyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal Oo Shaaciyay In Uu Usharaxan Yahay Doorashada Golaha Wakiilada 2026-ka.

Hargeysa –(W,N)- Musharaxa Golaha Wakiilada 2026-ka Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal oo mudo badan ka soo shaqeeyay Ha’yadaha Sharciga Somaliland ayaa shaqada soo bilaabay isaga oo dhalinyaro ah sanadkii 2002dii, isaga oo markii u horaysay noqday hawl wadeen Garsoor ilaa sanadkii 2011kii, Markii dambena noqday Garsoore Maxkamadeed sanadkii 2011ka ilaa 2016kii, wuxuuna ku shaqeeyey Garsoorenimo heer Degmo, heer Gobol iyo heer Rafcaan muddo 6 sanno, isagoo ka soo shaqeeyey Gobolo kala duwan oo Somaliland ka tirsan.

Sanadkii 2016kii ilaa hadda wuxuu ahaa Qareen Madax banaan oo ku shaqeeya Mihnadda sharciga,Sanadkii 2021kii ayaa waxa loo doortay Xoghayaha Guud ee Ururka Qareenadda Somaliland, wakhtigaasi oo uu qabsoomay shirwaynihii Guud ee ay isku yimaadaan dhamaan Qareenadda Somaliland.

Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal Mudadii uu ka shaqaynayey mihnadda sharciga wuxuu ka qaybqaatay curinta iyo ka talo bixinta xeerar badan oo dhaqangalay iyo waliba samaynta Xeerar gaar oo ay ku shaqeeyaan hay’addo iyo shirkaddo waawayn oo kuwa dalka ka mid ah.

Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal waa aqoonyahan wuxuuna shahaadada heerka koobaad Ee Sharciga (LLB) ka qaatay Jaamacadda Hargaysa sanadkii 2009, waxaa kale oo uu Shahaadada heer 2aad (LLM) ka qaatay Jamacadda New Generation isagoo ku diyaariyey qaanuunka caalamiga ah (International Law).

Muddada intaa leeg ee uu ku dhex jiray Mihnadda sharciga wuxuu ka kasbaday khibrad iyo waayo aragnimo dheer, iyadoo ay waliba la socdeen in uu dalka dibadiisa kaga qaybgalay shirar iyo aqoon- Korodhsiyo la xidhiidha Shuruucda.

Haddaba Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal ayaa ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Wakiilada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 2026ka, gaar ahaan Golaha Wakiilada ee Gobolka Maroodi-jeex, hadii loo doorto xildhibaanada golaha wakiilada wuxuu wax badan ka qaban doona Sharci-dejinta golaha,waana sharciyaqaan fahansan oo garanaya Shaqadda iyo xilka xubinta Gollaha wakiiladda JSL.

 

Exit mobile version