BERBERA(W,N)-Wefti uu Hogaaminaayo Wasiirka Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Xasan Nuur, Weftigaasi oo Maalmihii u danbeeyey hawlo shaqo u joogay Magaalada Berbera, ayaa lakulmay Ganacstaddaa, alaabaha Ka soo saara Dekada Berbera.
Ujeedda kulan Wasiirka iyo Ganacstada ayaa ahaa isbarasho iyo xog waraysi ku aadan hawlaha shaqo ganacsi ee ay Masuulka ka yihiin.
Wasiirka ayaa ganacstada ka dhagaystay Cabashooyinka ay qabaan iyo caqabadaha hortaagan adeega ay bulshada u hayaan.