WAJAALE NEWS

Khilaafkii Xil Wareejinta ka Dhashay Ee Badhasaabka Cusub Iyo Badhasaabkii Hore Gobolka Togdheer Oo Lasoo Afjaray!

Waxaa is fahan iyo Heshiis kusoo dhamaaday khilaafkii Maalinimaddii shalay soo kala dhexgalay Badhasaabkii hore ee Gobolka Togeheer Jaamac Cabdilaahi Biin  iyo Badhasaabka  cusub ee loo magacaabay  Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramax).

Khilaafkan oo ka dhashay dayn uu badhasaabkii hore sheegay in lagu leeyahay Gobolka, dayntaas   oo badhasaabka cusubina diiday inuu la wareego.

Khilaafkaas ayaa ugu dambayn kusoo dhamaaday Heshiis iyo Afgarad in uu dayntaasi la wareego  Badhasaabka cusubi ka dib dhexdhexaadin ay sameeyeen, Salaadiin, siyaasiyiin iyo Waxgarad kale oo Gobolkaasi ka soo jeeda.

Exit mobile version