Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta Xuseen Axmed Caydiid ayaa soo saarey wareegto lagu joojiyenayo Dhismayaasha, Dhulka iyo wax-ka-bedelka Hantida Dawladda ee la bixiyey ama la hibeeyey mudadii kala-guurka labadda Xukuumadood.
Amarkan ayaa waxa lagu socod-siiyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Taliyaha Booliska, Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka, Badhasaabadda Goboladda Dalka, Maayaradda Magaalooyinka iyo Masuuliyiinta kale ee ay khuseyso.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka iyo Guryeynta, Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku amray guud ahaanba Hay’adaha sharci-fulinta iney talaabo sharciga waafaqsan ka qaadan cid kasta oo ku xad-gudubta Wareegtan.