WAJAALE NEWS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabiley Safiirka Dalka Maraykanka.

Hargeysa-12-12-2024-()-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa qaabilay safiirka dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley .

Safiirka Mareykanka ayaa ugu horeyn madaxweynaha cusub ugu Hanbalyey xilka madaxweynaha Somaliland oo maanta si rasmi ah loogu dhaariyey .

Sidoo kale safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu madaxweynaha cusub u soo bandhigay sida uu Mareykanku ahmiyad gaar ah u siinaayo inuu sii xoojiyo xidhiidhka Somaliland .

Amb. Richard H. Riley waxaa uu si gaar ah hoosta uga xariiqey in Mareykanku qorsheynaayo in iskaashi dhanka amaanka ah la sameysto Somaliland .

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa isaguna dhankiisa cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu u sii xoojin lahaa xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka .

Wa-bilaahi Tawfiiq

 

Exit mobile version