Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal ( Cirro ) ayaa maanta qaabilay Danjiraha dalka Mareykanka Amb. Richard H. Riley iyo Taliyaha Ciidamada AFRICOM Major General Brian Cashman .
Ugu horeyn Danjiraha Mareykanka ayaa madaxweynaha la doortey ee Jamhuuriyada Somaliland soo gaadhsiiyey dhanbaal hanbalyo oo uu ka sido dalkiisa .
Intaas kadib Labada dhinac ayaa ka wada si faahfasan uga wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ka dhexeeya Somaliland & Mareykanka iyo sidii xidhiidhkaas loo sii adkeyn lahaa.
Madaxweynaha la doortey ee Somaliland waxaa uu dawlada Mareykanka u cadeeyey inuu diyaar u yahay sidii uu xidhiidhkaas u sii xoojin lahaa
Danjiraha Mareykanka waxaa kulanka ku wehelinaayey saraakiil sarsare oo ka mid ah ciidamada Militeryga Maraykanka ee qaaradda Afrika .