WAJAALE NEWS

Gudida Fulinta Ee Xisbiga Kulmiye Oo Kulan Yeeshay Iyo Nuxurka Qodobadda Kasoo Baxay!

Hargeysa 05/10/2024 – ()- shir ay isugu yimaadeen xubnaha guddida fulinta xisbiga KULMIYE, isla markaana ay goob-joog ka ahaayeen xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada, ayaa lagaga wadahadlay diyaargarowga arrimaha doorashooyinka iyo arrimo xisbiga la xidhiidha.

Waxaana shirka laga soo saaray qodobbo muhiim ah oo ay ka mid yihiin;

  1. In dhammaan xubnaha caddaystay inay ka baxeen xisbiga KULMIYE laga saaro goleyaasha ay ku jireen ee Fulinta, Golaha dhexe iyo guud ahaan xisbiga KULMIYE.
  2. In aannu jirin garab xisbiga KULMIYE ka tirsan oo sheegan kara magaca xisbiga, isla markaana aanay afka xisbiga ku hadli Karin, ciddii arrintaa u aqoonsataana ay jebisay qawaaniinta dalka iyo xeerarka xisbiga KULMIYE.
  3. Guddigu waxay ugu baaqeen dhammaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee gobollada iyo degmooyinka dalku isu diyaariyaan ololaha doorashooyinka oo dhawaan bilaabi doona, iyagoo ilaalinaya nabadgalyada, xasilloonida iyo shuruucda dalka.
Exit mobile version