WAJAALE NEWS

Dawlada Masar Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay In Ay Usafraan Somaliland. Xili Ay Jsl Dalkeeda ka Cadhisay Shaqaalihii Dalka Masar.

Dowladda Masar ayaa soo saartay amar ay uga digeyso muwaadiniinteeda inay u safraan dalka Somaliland, xilli dhawaan ay xukuumadda Somaliland xidhay Maktabaddii Masaarida ee Hargeysa.

Masar ayaa waxay ugu baaqday kuwa hadda ku sugan gudaha Somaliland inay uga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Safaaradda Masar ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tallaabadan la qaaday, iyada oo la eegayo saamaynta nabad-gelyo la’aanta ay ku leedahay ammaankooda, xilli ay xiisadda labada dhinac kasii dartay kadib heshiiskii Muqdisho iyo Qaahira.

“Xaaladda ammaan ee hadda jirta ayaa xadideysa awoodda howlihii qunsuliyadeed ee loo fidin lahaa Masaarida ku sugan Somaliland,” ayey tidhi safaaradda Masar ee Soomaaliya.

Tallaabadan oo muujinaysa heerka ay gaadhay xiisadda ka dhalatay heshiiskii 1-dii January ee sanadkaan ay Addis Ababa ku saxeexeen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed, kaasi oo Itoobiya heshiis taariikhi ah.

Somaliland ayaa ku eedeysay dowladda Masar inay kasoo horjeedo madax-banaanideeda, kadib markii ay Masar heshiis difaac la saxiixatay Soomaaliya oo haatan ay is-hayaan Itoobiya.

Exit mobile version