Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Iyo Murashaxa madaxweyne Ku Xigeenka maxamed Cali Aw Cabdi Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaji Cali Xasan Waxay Si Heersare U Qaabileen Aqoonyahano Siyaasiyiin Haween .Dhalinyaro Waxgarad Ka Soo Jeeda Beesha Cabdale Sacad Ee (Sacad Muuse) ‘ Kulan Oo Ka Dhacay Xafiiskaa Masuulintaasi
waxaanay Waxgaradka Beelaha Cabdale Sacad Cod Dheer Ku Sheegeen In Dadka Deegaanka Cabdale Sacad Ay Isbadalka Murashax Cirro Hogaaminayo Ee Xisbiga Waddani Ay Ku Soo Biireen Dalkuna U Baahanyahay Isbadalkan Waddani Waxaanay Kaga Dhawaaqeen Gudi Deegaankaasi Oo Ka Shaqaynaysa Hawlaha Xisbiga Ee Doorashooyinka Iyo Deegaanka Cabdale Sacad
Murashaxa Madaxweyne Cirro Iyo Ku Xigeenkiisa Dr Maxamed Iyo Gudoomiyaha Xisbigu Ayaa Uga Mahadceliyey Waxgaradka Iyo Aqoonyahanka Beeshan Sida Ay Diyaarka Ugu Yihiin Isbadalka Xisbiga Waddani Waddo Iyagununa Ay Hogaaminayaan Kaas Oo Ku Salaysan Hormar daganaan Dad Isku Hayntaa Shacabka Somaliland.