WAJAALE NEWS

Munaasibad Soo Dhaweyn Ah Oo Loo Sameeyay Maayarka Iyo Kuxigeenka Degmada Caynaba Oo Xisbiga KULMIYE Kusoo Biiray

Caynaba-(W,N)-Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo wefti uu hoggaaminayo oo safar shaqo ku jooga gobolka Saraar, ayaa Habeenkii xalay munaasibad soo dhaweyn ah u qabtay maayarka degmada Caynaba, mudane Maxamed Haybe Maxamuud iyo kuxigeenkiisa, mudane  cabdixaafid ibraahim Abokor iyo taageerayaashooda  oo si rasmi ah ugu soo biiray KULMIYE, kana soo wareegay xisbiyada WADDANI iyo UCID.

Munaasibadda lagu soo dhaweynayey labada masuul ee ugu sarreeya golaha degaanka Caynaba iyo taageerayaashooda waxa ku wehelinayey, oo isagana lagu soo dhaweeyey Mudane  Xildhibaan  saleebaan faarax Dirir oo ka tirsan golaha deegaanka Caynaba, kaas isaga iyo taageerayaashiisuba kusoo biireen xisbiga KULMIYE., kana soo digo rogtay xisbiga UCID.

Exit mobile version