WAJAALE NEWS

Hogaanka Xisbiga Kulmiye Oo Kulamo La Qaatay Qaybaha Kala Duwan Ee Bulshada Magaalada Berbera

Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kulamo midho dhal ah ka qaatay  Cuqaasha, waxgaradka reer Berbera iyo garabbada  haweenka xisbiga u qaabilsan gobolka Saaxil iyo degmada Berbera.

Weftigii ka socday hoggaanka KULMIYE ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale oo muddooyinkanba safar shaqo ku marayey qaar kamid ah gobollada bari ee dalka, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay odayaasha, waxgaradka  cuqaasha reer Saaxil, hoggaanka garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka iyo xildhibaanada xisbiga KULMIYE uga soo baxay Saaxil.

Dhanka kale gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye ayaa eedo culus ujeediyay xisbiga waddani oo ku sheegay in ay caadaysteen cayda hablaha.

Exit mobile version