WAJAALE NEWS

Gudoomiye Kuxigeenka Xisbiga Kulmiye Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayay Oo Si Diiran loogu Soo Dhaweeyey Magaalada Ceerigaabo

Ceerigaabo-(W,N)-weftigii ka socday hoggaanka xisbiga KULMIYE ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa maanta si weyn oo aan kala hadh lahayn loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Kumanaan ka tirsan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmada Ceerigaabo oo ku lebisan astaamaha xisbiga KULMIYE, islamarkaana ay hoggaaminayaan madaxda xisbiga iyo xukuumadda u qaabilsan gobolka iyo wasiirro xukuumadda ka tirsani, ayaa weftiga kaga horyimi duleedka  koonfureed ee magaalada, waxana ay u gelbiyeen gudaha magaalada Ceerigaabo oo ay madaxdu shacabka kala hadleen.

Exit mobile version