WAJAALE NEWS

Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Xisbiga Kulmiye Oo Hadhimo Sharafeed Ku Maamuusay Warbaahinta Gobolka Gabiley.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye mudane cabdicasiis maxamed samaale ayaa hadhimo sharafeed ku maamuusay warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha gobolka gabiley, waxaana kulan uu warbaahinta la qaatay gudoomiye samaale ku weheliyay wasiirka wasaarada beeraha jsl axmed habane iyo maayarka magaalada gabiley Maxamed Amiin Cumar Cabdi.

Kulankan ayaa ujeedadiisu ahayd isxogwaraysi iyo sidii warbaahinta gobolku ugala shaqayn lahayd arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooleh.

Dhanka kale Gudoomiye cabdicasis samaale ayaa warbhaaintakula dardaarmay ilaalinta qarannimada somaloliland iyo waxkasta oo bulshada kala fogaynaya. Kaasi oo kusoo dhamaaday Isfahan.

Exit mobile version