HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Gudida ka midho dhalinta gobolnimada muuse cabdilaahi suwayn ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan dadaaladii ay ugu jiraan dhamaystirka gobolnimada Gabiley
Sidoo kale gudoomiyaha gudida ka midho dhalinta ayaa sheegay in kulankii ay la qaateen xisbiga mucaaridka ee waddani ay soo dadejisay in xukuumada madaxwayne biixi ku dhiirato in ay golaha wakiilada usoo gudbiso iyo mudadii hore ee ay daba socdeen xukuumada ee ay ka gaabisay in ay fuliso balamihii ay uqaadeen madaxwayne biixi iyo wasiirkiisa arimaha guduhu
Dhanka kale gudoomiye muuse ayaa sheegay in ay abaal soo dadejinta gobolnimada gabiley ay uhayaan xisbiga mucaaridka ah ee waddani hadana ay ka rajaynayaan in door muhiim ah ka qaataan dhamaystirkiisa ee ansixinta golaha wakiilada
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;